Shiinaha oo markab dagaal u soo diraya xeebaha Soomaaliya

Dowladda Shiinaha ayaa bartamaha bishan Agoosto lagu wadaa inay u soo dirto maraakiib dagaal oo cusub Gacanka Cadmeed iyo biyaha ku teedsan Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan howlgalka ilaalinta iyo galbinta maraakiibta, sida ay Talaadadii shalay ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Qaranka Shiinaha.

Howlgalkan ayaa noqonaya markii 49-aad ee ciidamada badda Shiinaha ay ka howlgalaan gobolka. Maraakiibta cusub ayaa la wareegi doona waajibaadka ay hayeen cutubkii 48-aad, kaas oo howlgalka bilaabay bishii Oktoobar ee sanadkii hore 2025.

Cutubka cusub waxaa ka mid ah markabka wax burburiya ee gantaallada laga hago Kunming, markabka dagaalka ee gantaallada laga hago Yueyang, iyo markabka sahayda iyo taageerada ee Luomahu.

Wasaaradda Difaaca Shiinaha ayaa sheegtay in ciidamada badda dalku ay ka go’an tahay inay gacan ka geystaan dhismaha bulsho baddeed oo leh mustaqbal wadaag ah, isla markaana ay taageeraan amniga marin-biyoodka caalamiga ah iyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Shiinaha ayaa tan iyo 2008 si joogto ah maraakiib dagaal uga howlgelinayey Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya, iyadoo howlgalka lagu saleeyay qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Intii uu socday howlgalkaas, ciidamada badda Shiinaha ayaa galbiyay in ka badan 7,000 oo markab oo Shiinaha iyo dalal kale ah, sidoo kalena waxay badbaadiyeen, ilaaliyeen ama caawiyeen maraakiib xaalado degdeg ah galay. Maraakiibta Shiinaha ayaa sidoo kale ka qeyb qaatay daadgureynta muwaadiniin Shiinees ah iyo ajaanib laga soo saaray dalal ay dagaallo ka socdeen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed