Muxuu yahay dalabka DFS ay hordhigtay hay’adaha caalamiga ah inay kula shaqeeyaan dowladda?

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in hay’adaha Qaramada Midoobay, deeq-bixiyeyaasha iyo hay’adaha caalamiga ah ee Soomaaliya ka howlgala ay u baahan yihiin inay wax ka beddelaan habka ay dalka ula shaqeeyaan, isagoo sheegay in qaar ka mid ah hay’adahaasi ay weli Soomaaliya ula dhaqmaan sidii dal ku-meelgaar ah.

Xamsa ayaa sheegay in dowladda ay diyaarisay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo uu xusay in looga gol leeyahay in Soomaaliya laga gudbiyo nidaamkii ku-meelgaarka ahaa, loona gudbo dowladnimo iyo hay’ado si buuxda u shaqeeya.

Sidoo kale, Waxa uu ugu baaqay saaxiibada caalamka iyo hay’adaha dalka ka howlgala inay la jaanqaadaan isbeddellada ka socda Soomaaliya, isagoo sheegay in aan la sii wadi karin hababkii hore ee shaqada. Wuxuu tusaale u soo qaatay hay’ado weli xafiisyadooda ama hawlahooda muhiimka ah ka maamula dalal kale, gaar ahaan Kenya.

Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale sheegay in isbeddelku uu ka bilaabanayo madaxda iyo shaqaalaha dowladda, kuwaas oo uu ku adkeeyay inay la qabsadaan nidaamka cusub iyo jihada ay Soomaaliya u socoto.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed