Howlgal khasaare dhimasho & dhaawac ah lagu gaarsiiyey Alshabaab Shabeellaha Hoose

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose ku soo bandhigay xubno ka tirsan Alshabaab oo qaar ka mid ah meyd ahaayeen iyo ku dhawaad 10 miinooyin oo la dhigtay wadooyin dadka rayidku isticmaalaan.

Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa sida lagu sheegay warbixinta dilay 2 xubnood oo ka tirsan Alshabaab ah, halka 2 kale nolosha lagu qabtay.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa lagu sheegay bayaanka inay gacanta ku dhigeen 8 miino iyo hub fudud, kuwaas oo loo adeegsan lahaa sida hadalka loo dhigay falal amni-darro iyo waxyeello loo geysto shacabka.

Howlgalkan ayaa lagu sheegay in lagu fashiliyay qorshe ay Alshabaab doonayeen inay waxyeello ugu geystaan shacabka ku nool deegaanada u dhexeeya Kabtan Laas iyo Janaale, gaar ahaan tuulada Kibili, kaddib markii kooxda ay halkaasi dhigtay miinooyinka laga soo saaray, nuucoodune ahaa kuwo culus.

Meydadka labada xubnood ee la dilay, hubka iyo miinooyinka laga soo saaray goobta ayaa ciidamada waxay ku soo bandhigeen magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo howlgalka lagu sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada lagu sugayo amniga deegaanada gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed