Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo ahaa Taliyaha NISA ee Gobolka Gedo ayaa maanta ku dhawaaqay in uu heshiis la gaaray Jubbaland, kaddib wada-hadallo dhexmaray dhinacyada isku hayay gacan ku haynta qaybo ka mid ah maamulka Gobolka.
Janan oo ciidamo kula hadlay Xerada UK ee magaalada Beledxaawo ayaa sheegay in wada-hadallada dhex maray isaga iyo Jubbaland ay horseedeen in la bilaabo hannaan dib-u-heshiisiin ah oo lagu soo afjarayo khilaafaadkii iyo dagaalladii ka jiray gobolka.
Waxa uu sheegay in heshiiska lagu gaaray gudaha Kenya uu qeyb ka yahay dadaallada lagu joojinayo dagaal dambe oo dhex mara labada dhinac, isla markaana loo gudbo xal nabadeed.
“Anaga waxaan bilownay wadahadal aan go’aansanay in dhiigga Soomaaliyeed oo Gedo ka socday, Ciidamadii aan la dirirnay oo aan ka adkaanay Xaduudada aan gelinay inaan kula heshiino oo Alshabaab cidaan ahayn col la noqonin. Aniga wiilashii Istaafka ii ahaa ee ila socday shalay, shirka meeshaan ku soo galnay waxay ahayd gudaha Kenya” ayuu yiri Janan.
Wuxuu intasi ku daray “Wadahadalkaas Dowladda Kenya ayey ciidankan dhex deganayeen, iyada ayey ka falantaa, meel fiicanbaa soo dhignay oo ah inaan ciidamadaas la heshiiyo oo xabad dambe aan la isku ridin xal nabadeedna la aado” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Sidoo kale, Janan ayaa sheegay in dhinaca Jubbaland uu ka helay dammaanad qaad ah in aan dagaal dambe dhex marin ciidamada labada dhinac. Waxa uu xusay in haddii ciidamadiisa ay weerar kala kulmaan Alshabaab, ay meelaha ugu horreeya ee ay gurmad ka heli doonaan ay noqon doonto degmada Doolow, isagoo sheegay in wada-hadal iyo heshiis laga gaaray khilaafyo hore uga jiray deegaanka.
“Doolow ninbaa xukumay Lafeey la yiraahdo—hub fara badan ku haystay. Lafeey waa wadahadalnay, waa heshiinay, wax dhib ah oo inoo dhexeeya ma jiro” ayuu yiri Janan.
Janan ayaa sidoo kale eedeymo u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in ciidamada dowladda ee uu hoggaaminayay ay muddo dheer aysan helin xuquuqdoodii dhaqaale iyo mushaaraadkii ku waajibay. Waxa uu tilmaamay in arrintaasi ay qeyb ka noqotay xaaladihii adkaa ee ciidamada soo wajahday intii ay ku sugnaayeen Beledxaawo.
Cabdirashiid Janan oo hore uga tirsanaa maamulka Jubbaland, ayaa ku biiray Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii khilaafka labada dhinac uu gaaray gacan hadal sababay in maamulka laga saaro Beledxaawo sanad ka hor, dhamaadka bishii July 2025.
Hadalkan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli ay soo baxayeen warar ku saabsan wada-hadallo dhex maray Janan, Jubbaland iyo dowladda Kenya oo looga gogal xaarayo in lagu soo afjaro xiisadda gobolka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin hadalka Janan iyo heshiiska uu sheegay inuu la galay Jubbaland.
14 bishii May ee sanadkan 2026 , Guddoomiyaha Gobolka Cabdulaahi Cabdi Jamac Shimbir ayaa ku dhawaaqay in Khilaafkii u dhexeeyay maamulka Jubbaland iy kan gobolka uu dhamaaday, isla markaan uu heshiis siyaasadeed la gaaray madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
HBN ONLINE TV

