Maxay yihiin ciidamada saaka laga soo dejiyey Garoonka Muqdisho?

Waxaa saaka magaalada Muqdisho lagu dhaweysay saraakiil iyo askar hordhac u ah Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor, kuwaas oo tababar heer sare ah kusoo dhammaystay dalka Turkiga. Ciidamadan ayaa dalka ku soo laabtay, si ay uga qeyb qaataan sida dowladda Soomaaliya sheegtay howlaha amniga iyo dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Taliyaha Qaybta 1-aad ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka SoomaaliyA, Gaanshaale Sare Saahid Jaamac Faarax oo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay ciidamada ayaa sheegay in ciidamadan si weyn dowladdu ugu baahan tahay, isagoo kula dardaarmay inay diyaar u noqdaan shaqooyinka horyaalla.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada loo dari doono safka hore ee howlgalada ka dhanka ah Alshabaab, isagoo xusay in toddobaadkan uu sii socon doono soo daabulidda ciidamada kale ee Gorgor ee tababarka kusoo qaatay Turkiga.

“Ku soo dhawaada halkiina Hooyo, wadan la idinka sugaaye oo aad ciidankiisii tihiin. Shaqooyin badan baa inoo yaalla,” ayuu yiri Taliye Saahid.

Ciidamada Gorgor ayaa tababarkooda, qalabeyntooda iyo gaadiidka gaashaaman ka hela Turkiga, halka Qatar ay maalgeliso barnaamijka, iyadoo ciidamada sidoo kale loo diyaariyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gaadiid gaashaaman oo loo adeegsado howlgalada habeen iyo maalin.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed