Muqdisho: Beesha caalamka oo kulan la yeeshay guddiga doorashooyinka Soomaaliya

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya iyo qaar kamid ah safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka ee Soomaaliya, kaasi oo la tilmaamay in looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka.

Kulanka oo marka hore wakiillada beesha caalamka loogu soo bandhigay sida la sheegay warbixin ku saabsan doorashooyinkii ka dhacay dalka iyo kuwa qorshaysan ayaa waxaa Guddoomiyaha Guddiga, Cabdikariim Axmed Xasan uu la wadaagay xogta doorashooyinkii qof iyo cod ee ka qabsoomay Gobolka Banaadir, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, iyadoo arrimahaas ay weli diidan yihiin qaybo kamid ah mucaaradka.

Xubnaha beesha caalamka ayaa ka kala socday  Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Shiinaha, Turkiga, Itoobiya, Kenya, Suudaan iyo Masar, iyo sidoo kale Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo Ururka Iskaashiga Islaamka. Safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka ayaa dhankooda su’aalo iyo aragtiyo ka dhiibtay geeddi-socodka doorashooyinka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in 57 sano kadib dalka ay ka dhacday doorasho qof iyo cod ah, taas oo shacabka loogu suurageliyay inay si toos ah u doortaan mas’uuliyiinta ku matalaya heerarka kala duwan ee hay’addaha dowladda.

Kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ay maalmaha soo socda ku ballansan yihiin kulan looga hadlayo khilaafka iyo arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo beesha caalamku ay soo dhaweysay horumarka laga sameeyay hannaanka doorashooyinka qof iyo cod.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed