Xafiiska Hantidhowrka Soomalaiya ayaa maanta soo bandhigay warbixin uu ku sheegay baarista sannadlaha oo uu ku sameeyay 22 hay’adood oo dowladda ah. Warbixintu waxay diiradda saartay miisaaniyadda hay’adaha, u hoggaansanaanta shuruucda iyo habraacyada maaliyadeed, iyo khaladaadka laga helay howlaha hay’adaha la baaray.
Axmed Ciise Guutaale, Hantidhawraha Guud ee Soomaaliya ayaa war saxaafadeed uu soo saaray maanta wuxuu warbaahinta u sheegay in miisaaniyadda hay’adaha la baaray ay gaareyso $821,996,254 oo doollar, taas oo u dhiganta 60.1% miisaaniyadda guud ee dowladda oo ah $1,359,714,328 oo doollar.
Baaritaanka ayaa ku sheegay in lagu ogaaday 66 khalad, halka dhinaca mashaariicda deeq-bixiyeyaasha la baaray ay ahaayeen 30 mashruuc, kuwaas oo 22 uu maalgeliyay Bangiga Adduunka, 7 Bangiga Horumarinta Afrika, halka midka kalena uu maalgeliyay Sanduuqa Horumarinta Beeraha.
Warbixintu waxay muujisay in 59% hay’adihii la baaray aysan raacin sida Guutaale sheegay habraacyada guddiyada qandaraasyada iyo qorshaha iibka, halka 53% aysan raacin habraacyada xulashada adeeg-bixiyeyaasha iyo la-taliyeyaasha.
Sidoo kale, 46% hay’adaha ayaan dhisin sida uu hadalka u dhigay guddiyada dallacsiinta, abaalmarinta iyo anshaxa, halka 50% aysan howlgelin baaraha gudaha.
Baarista Xafiiska Hantidhowrka uu sheegay Guutaale inay sidoo kale diiradda saartay nidaamyada iyo barnaamijyada Dowladda, sida Diiwaangelinta Ganacsiga Soomaaliya (SBRS), Macluumaadka Maaraynta Waxbarashada Sare (HEMIS), Nidaamka Macluumaadka Khayraadka Aadanaha (HRIS), Maamulka Maaliyadda Soomaaliya (SFMIS), iyo dabagalka fulinta talooyinkii Hantidhowrka ee sannadkii 2025.
Hantidhowraha Guud ayaa sheegay in Soomaaliya ay sannadkii 2025 deeq ahaan u heshay 6,555,000 shixnadood oo agab caafimaad ah iyo 9 gaadiid, halka sannadkii 2024 ay dowladda heshay 3,125,402 shixnadood oo agab caafimaad ah, 55,324.65 tan oo raashin ah, 1,207 teendho iyo 105 gaadiid. Xafiisku wuxuu sheegay inuu hay’adaha ay khusayso siiyay talooyin ku saabsan khataraha la ogaaday iyo sidii looga hortagi lahaa.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in Baaris uu sameeyay Xafiiska Hantidhowrka lagu ogaaday in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay dibadda u dirtay sida uu hadalka u dhigay 14 diblomaasi, iyadoo aan si buuxda loo raacin shuruudihii iyo habraacyadii looga baahnaa diristooda, arrintaas oo Hantidhowrku ku tilmaamay khalad ka mid ah habraac-darrada laga helay baaritaanka hay’adaha dowladda. Weli wasaaraddu kama jawaabin eedeyntan.
HBN ONLINE TV

