Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegay maamulka iyo amniga saldhigga howlgalka jiidda hore ee degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, kaas oo muddo dheer ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya.
Tallaabadan ayaa timid kadib howlgallo nadiifin ah oo maalmihii lasoo dhaafay ay ciidamada Danab ka wadeen gudaha Buurhakaba iyo deegaanada hoos yimaada, kuwaas oo la sheegay in lagu xoojinayay amniga iyo joogitaanka ciidamada dowladda.
Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray howlgalka AUSSOM ayaa lagu yiri “AUSSOM, oo taageero ka heleysa UNSOS, ayaa si rasmi ah maamulka farsamada ee Saldhigga Buurhakaba ugu wareejisay Qaybta 60aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ee gobolka Ba”.
Saldhiggan lagu wareejiyey ciidamada xoogga ayaa waxaa tan iyo 2014-kii ka howlgalayay Ciidanka Itoobiya ee Qaybta Saddexaad ee howgalka AUSSOM.
Marka laga soo tago ciidamada dowladda, magaalada Buurhakaba waxaa sidoo kale ku sugan boqolaal ciidamo deegaanka ah oo muddo dheer dagaal kula jiray Alshabaab, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay sugidda amniga deegaanada ku xeeran degmada.
Wareejinta saldhiggan ayaa loo arkaa tallaabo kale oo lagu xoojinayo amniga ay Soomaaliya hoggaanka u hayso, iyadoo mas’uuliyadaha amniga si tartiib tartiib ah loogu wareejinayo ciidamada amniga dalka.
HBN ONLINE TV

