Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa hadda bilaabay codeynta doorashada Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, iyadoo hoolka ay ku sugan yihiin 171 xildhibaan.
Labada xildhibaan ee ku tartamaya xilka Guddoomiyaha oo kala ah Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada) iyo Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa xildhibaanada u jeediyay khudbado kooban, iyagoo mid walba soo bandhigay qorshihiisa iyo ajandayaasha uu doonayo inuu ku hoggaamiyo Golaha.
Sidoo kale, Labada musharrax ayaa mudanayaasha ka codsaday xubin walba inay codkooda siiyaan, waxaana guddiga qaban-qaabada doorashada uu xildhibaanada faray inay u codeeyaan labada musharrax.
Hadda waxaa ka socda xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa dhiibashada codadka, waxaana la sugayaa natiijada doorashada iyo magaca xildhibaanka noqon doona Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

