Muwaadin Soomaali ah oo kooxo burcad ah ku dileen dalka Koonfur Afrika 

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay ian Muwaadin Soomaaliyeed lagu magacaabi jiray Khalid Xuseen Axmed lagu dilay xalay dukaan uu ka shaqeynayay oo ku yaalla deegaanka Khayelitsha ee magaalada Cape Town.

Ilo madaxbanaan ayaa sheegaya in kooxo burcad ah ay weerareen dukaanka, iyadoo qof iska dhigayay macmiil uu gudaha u galay goobta, kadibna uu toogtay muwaadinka. Kaamirada CCTV-ga ee ku xirnayd dukaanka ayaa duubtay muuqaalka dhacdada iyo sida uu weerarku u dhacay.

Deegaanka Khayelitsha ayaa kamid ah goobaha ay Soomaalidu ganacsiyo ku leeyihiin, waxaana horey uga dhacay falal amni-darro iyo weerarro loo geystay muwaadiniin Soomaaliyeed oo halkaas ganacsi ku lahaa ama ka shaqeynayay.

Dilkan ayaa kusoo aadaya xilli walaac laga muujinayo xaaladda amni ee muhaajiriinta ku nool Koonfur Afrika, iyadoo Soomaalida dalkaas ku nool ay marar kala duwan la kulmeen dhac, weerarro iyo dilal. Waxaa socda dadaallo lagu ogaanayo cidda ka dambeysay dilka Khalid Husein Ahmed iyo ujeeddada weerarka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed