Natiijada Imtixaanka Dugsiga Dhexe ee Gobolka Banaadir oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay natiijada Imtixaanka Dugsiga Dhexe ee sannad-dugsiyeedka 2025/2026, kaas oo ay u fariisteen 45,452 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Sida lagu sheegay xogta natiijada, tirada gabdhaha imtixaanka galay ayaa ahayd 20,666, halka wiilashu ay ahaayeen 23,351 arday. Agaasinka Waxbarashada ayaa sheegay in muddo ay socotay saxitaanka imtixaanka, iyadoo maanta ugu dambeyn la soo bandhigay natiijada.

Natiijada la shaaciyay ayaa muujineysa in tirada ardayda ku dhacday imtixaanka ay tahay 1,435 arday, taas oo u dhiganta 3.2%, halka 44,017 arday ay ku guuleysteen imtixaanka oo ay u gudbeen heerka waxbarasho ee xiga ee dugsiga sare.

Kaalinta koowaad ee Imtixaanka Dugsiga Dhexe ee Gobolka Banaadir waxaa gashay Sumayo Xasan Abshir Aadam, halka kaalinta labaad ay gashay Balqiisa Maxamed Cumar Maxamed. Kaalinta saddexaadna waxaa galay Axmed Cabdinaasir Cabdullaahi Cabdi.

Ardayda kaalmaha hore galay ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinno lagu dhiirrigelinayo dadaalkooda waxbarasho, iyadoo lagu boorriyay inay sii laba-jibaaraan dadaalkooda, maadaama ay hadda u gudbayaan waxbarashada Dugsiga Sare.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed