Xukuumadda Puntland ayaa maanta sheegtay in si rasmi ah ula wareegtay xeradii ay deggenaayeen ciidamada PSF ee magaalada Boosaaso, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen laamaha amniga Puntland. Tani waa xeradii 2-aad ciidamada lagala wareego.
War saxaafadeed ay soo saartay Puntland ayaa lagu sheegay in taliska iyo xaruntaasi ay hadda si buuxda gacanta ugu jiraan ciidamadooda, iyadoo maamulka uu ku tilmaamay ciidamadii halkaasi joogay “maleeshiyaad hubaysan oo si sharci-darro ah isu ekeeysiiyay ciidamada amniga” sida hadalka uu u dhigay.
Puntland ayaa sheegtay in tallaabadan ay qayb ka tahay howlgallo amni oo ay waddo, kuwaas oo daba socda howlgalkii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Sida war-saxaafadeedka lagu xusay, hawlgalkaas waxaa lagu qabtay 101 askari iyo 60 kale oo dhaawac ah, halka ay wareegtay hub, rasaas, gaadiid iyo agab ciidan oo kala duwan.
“Intii uu socday howlgalkii Gaalkacyo, Ciidanka Difaaca Puntland waxay gacanta ku dhigeen 101 eedeysane, halka sidoo kale la qabtay 60 qof oo dhaawac ah” ayaa lagu yiri warka Puntland.
Sidoo kale, Maamulka ayaa sheegay in dhammaan howlgallada uu ku fulinayo si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka, ujeeddaduna tahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo xoojinta hay’adaha Puntland.
Dhanka kale, ilo madax-bannaan ayaa sheegay in ciidamadii PSF ee ku sugnaa xerada Barda-dheere ee magaalada Gaalkacyo ay u guureen dhanka Galmudug. Arrintan ayaa timid 24 saac kadib markii Puntland ay la wareegtay xeradooda gobolka Mudug, iyadoo weli ay socdaan wada-hadallo iyo dadaallo ay wadaan odayaal dhaqameed oo lagu doonayo in qaar ka mid ah ciidamada ku biiray Dowladda Federaalka dib loogu soo celiyo Puntland.
Puntland ayaa sidoo kale ugu baaqday dhammaan waxay ugu yeertay “kooxaha hubaysan” iyo shaqsiyaadka weli ku sugan deegaannadeeda inay isku soo dhiibaan maamulka, iyadoo digniin adag u dirtay cid kasta oo gabaad ama taageero siisa ciidamada ka baxay deegaannadeeda. Maamulka ayaa sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay taageerto ama hoy siiso kooxahaasi.
War-saxaafadeedka ayaa lagu soo gabagabeeyay in Puntland ay sii wadi doonto howlgallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta guud ee deegaannadeeda.
HBN ONLINE TV

