Somaliland si adag kaga hor timid socdaalka Ra’iisal Wasaare Xamsa ee Waqooyi Bari 

War-saxaafadeed ay soo saartay Xukuumadda Somaliland ayey ku cambaaraysay safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, uu ku tagay magaalada Laascaanood, iyadoo ku tilmaantay tallaabo daandaansi ah sida hadalka ay u dhigtay oo dhaawacaysa amniga iyo xasilloonida gobolka.

“Somaliland waxa ay si adag u cambaaraynaysaa socdaalka daandaansiga ah ee Ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya, ku yimid qaybo ka mid ah bariga gobolka Sool” ayaa lagu yiri warkan oo ay siidaysay warbaahinta Somaliland,

Warka ayaa la sii raaciyey “Somaliland waxa ay si cad u sheegaysaa in falalkan masuuliyad-darrada ahi iyo socdaalladan aan micnaha ku fadhiyini aanay waxba ku soo kordhinayn nabadda gobolka, balse ay si toos ah u wiiqayaan dedaallada dunidu ku doonayso xasillooni waarta iyo nabadgelyo gobolka ka hanaqaadda”.

Sidoo kale, Somaliland ayaa ku goodisay inay qaadi doonto talaabooyin ay ku sheegtay kuwo lagama maarmaan u ah difaaca madax-bannaanideeda.

“Xukumadda Somaliland waxay si buuxda u adeegsan doontaa dhammaan tallaabooyinka sharci iyo qarannimo ee lagama maarmaanka u ah difaaca madax-bannaanideeda, amnigeeda iyo midnimada dhulkeeda” ayaa lagu sii raaciyey bayaanka.

Somaliland ayaa ugu baaqday Midowga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inay ka hortagaan waxa ay ku sheegtay tallaabooyinka sii hurinaya xiisadda, iyadoo caddeysay inay qaadi doonto tallaabooyin ay ku difaacayso amnigeeda iyo waxa ay ku tilmaantay madax-bannaanideeda.

Waxaa xusid in Somaliland aysan gacanta ku hayn magaalada Laascaanood iyo deegaano kale oo ka taliyo maamulka waqooyi bari ka dib markii ciidamada Somaliland laga saaray deegaanadaasi dagaalo dhacay 2023.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed