Mareykanka oo Puntland la galay heshiis uu ku balaarinayo isticmaalkiisa dekadda & garoonka diyaaradaha Boosaso

Maamulka Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay in dowladda Mareykanka uu la saxiixday heshiis lagu balaarinayo isticmaalka ciidamada Mareykanka , saldhiggiisa magaalada Boosaaso si loo xoojiyo howlgallada ka dhanka ah kooxaha loogu yeero argagixisada iyo sugidda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Heshiiska ayaa lagu saxiixay intii lagu jiray kulan magaalada Boosaaso ay ku yeesheen Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, iyo wafdi ka socday Mareykanka oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidamada Howlgallada gaarka ah ee Maraykanka ee Afrika (SOCAFRICA), General Claude Tudor.

War ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in heshiiska cusub uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga kala dhexeeya Mareykanka, iyadoo sidoo kalane ku celisay inay ka go’an tahay la dagaallanka waxa ay ku tilmaantay argagixisada iyo khatar kasta oo wax u dhimi karta amniga, xasilloonida iyo horumarka Puntland, Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika

Mareykanka ayaa muddooyinkii wuxuu fuliyay duqeymo badan oo ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, isagoo taageero militari siiyay ciidamada Puntland intii ay wadeen howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish.

Taageerada Mareykanka ayaa inta badan isugu jirtay duqeymo cirka ah, xog sirdoon iyo gaarsiinta saadadka ciidamada, iyadoo howlgalladu ka dhaceen dhul buuraley ah oo ay Daacish saldhigyo ku lahayd.

Ciidamada Puntland ayaa sanadkan ku dhawaaqay inay dib ula wareegeen deegaanno badan oo ay kooxda Daacish ka talinaysay, kaddib howlgallo socday dhowr bilood oo ay taageero ka heleen Mareykanka iyo saaxiibbo kale oo caalami ah.

Kulankan ayaa ku soo aadaya iyadoo Arbacadii iyo Khamiistii la soo dhaafay ay wafduud Mareykan ah socdaal ku tageen Kismaayo iyo Muqdisho, ayna wadahadallo kula soo yeesheen Madaxweynaha Jubbada, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, halka ay shalay oo sabti aheyd iyo maanta isaga kala gudbeen Somaliland & Puntland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed