Sheekh Shaakir “Haddii wax laga beddelo ama lagu kordhiyo, ma aqbali doonno mana aqoonsan doonno natiijada”

Guddoomiyaha Xisbiga Towfiiq, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa dhaliilo culus ka keenay habkii ay u dhacday doorashadii qof iyo codka ahayd ee ka qabsoontay deegaannada Galmudug, isaga oo sheegay in loo diiday dhacday sida uu hadalka u dhigay dad iyaga inay codeeyaan doonayey, halka xiray wakiillo iyo kuwo kalane la jirdilay.

Isagoo warbaahinta la hadlay, Sheekh Shaakir ayaa sheegay in ciidamada sugayay amniga doorashada oo ka amar ka qaadanayey Guddiga Doorashooyinka Qaranka ay masuul ka noqon doonaan wixii amni-darro iyo khaladaad ah ee ka dhacay goobaha codbixinta.

“Waa ka xunnahay in dad loo diiday inay codeeyaan, kuwo la xirxiray, kuwii dhibaatada loo geystay dhamaantood waa u tacsiyeynayaa. Ciddii ka dambeysay arrimahaas waa lagula xisaabtami doonaa,” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Waxa uu sheegay in ururrada siyaasadeed ay wakiillo ku lahaayeen dhammaan goobihii codbixinta ee 11-ka degmo, islamarkaana ay hayaan xogta codadka laga dhiibtay goob kasta. Wuxuu xusay in Xisbiga Towfiiq uusan aqbali doonin natiijo kasta oo ka duwan sida uu ku dooday tirada codadka ay wakiilladoodu diiwaangeliyeen.

“Waxaan diyaar u nahay natiijada goob kasta laga qoray, waxaan rajaynaynaa inuu guddiga doorashoyinka qaranku soo bandhigo natiijooyinka la isla qoray, wixii ka bedelan oo laga nus-qaamiyo ama lagu siyaadiyo ma aqbali doono mana aqoonsan doono. Waxaan aqoonsanahay, middaa sharcigaa oo aan isla ogeyn guddiga doorashooyinka” ayuu sii raaciyey.

Sidoo kale, Sheekh Shaakir ayaa ku baaqay in shacabka Galmudug ay dhigaan bannaanbaxyo nabadeed, waa haddii natiijada kama dambaysta ah ee doorashada aysan noqon mid ay ku qancaan sida uu hadalka u dhigay.

“Bulshada Galmudug, haddii wixii ururka Towfiiq filaaye waayeen banaanbax nabadeed ayaa aan ku baaqaynaa oo degmooyinka Galmudug ka dhaca oo shucuurta bulshada ku muujiso rabitaankooda” ayuu yiri markale Sheekh Shaakir.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa markii goobaha codbixinta la soo xiray wuxuu sheegay in muuqaallo iyo warar lagu faafiyay baraha bulshada oo arrintan la xariira ay ahaayeen kuwo marin habaabin ah oo lagu dhaawacayo sida uu hadalka u dhigay kalsoonida geeddi-socodka doorashada.

Guddoomiyuhu wuxuu intaa ku daray in guddigu ogaaday in qaar ka mid ah wakiilladii ururrada siyaasadeed ee joogay goobaha codbixinta ay sidoo kale ahaayeen musharraxiin tartamayay, arrintaas oo uu sheegay inay baalmarsan tahay habraaca doorashada.

Doorashadan oo ay isu diiwaangeliyeen 267,420 codbixiye kana dhacday 11 degmo, ayaa lagu wadaa inay ku soo baxaan 89 kursi oo Golaha Wakiillada ah iyo 243 kursi oo golayaasha deegaanka ah, waxaana ku tartamaya 12 urur siyaasadeed Golaha Wakiillada iyo 16 urur siyaasadeed golayaasha deegaanka.

Doorashadan ayaa wajahday dhaliilo uga yimid qaar ka mid ah mucaaradka oo ku dooday in natiijadeeda hore loo sii qorsheeyay, halka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Doorashooyinka ay si cad u beeniyeen eedeymahaas, iyagoo ku adkeystay in doorashadu ay ahayd mid xor iyo xalaal ah, isla markaana muhiim u ah horumarinta dimuqraadiyadda iyo hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ee Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed