Faahfaahin ka soo baxaysa Dagaal culus oo ka socda Hiiraan

Faahfaahin ka soo baxaysa Dagaal culus oo ka socda Hiiraan

Warar laga helayo deegaanno dhaca duleedka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya ciidamada deegaanka iyo dagaallamayaal ka tirsan Alshabaab.

Goobaha sida gaar ah uu uga dhacay ayaa lagu sheegay seddex deegaan oo isku dhow Suullaay, Teedaan & Xasan Raqay ee Gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa la tilmaamay in uu ahaa mid aad cuslaa. Alshabaab ayaa la sheegay in dagaal qaraxyo ku wareegtay deegaanka Hassan Raqay, halkaas.

Waxaa la jira khasaare dhimasho oo aan si rasmi ah loo xaqiijin labada dhinac, mana jiraan warar madax-bannaan oo caddeynaya cidda si buuxda gacanta ugu haysa goobta. Dadka deegaanka ayaa warbaahinta gobolka soo tabisay inay maqlayaan rasaas culus iyo qaraxyo, iyadoo xaaladda deegaanka ay weli tahay mid kacsan.

Sidoo kale, sida wararku sheegayaan Saraakiil ka tirsan Qaybta 27-aad ayaa xaqiijiyay in ay jiraan Maxaabiis lagu qabtay dagaalka, islamarkaana ay gacanta ku hayaan, halka isgaarsiinta tahay mid ciriiri ka jiro.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inuu soo bilowday shalay, taasi oo dhalisay in dhinacyadu weli isku horfadhiyaan dhowr tuulo oo isku dhow, inkasta oo aan weli Dowladda Soomaaliya ka bixin wax xog ah xaaladan cakiran ee ka taagan Hiiraan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed