Kadib kulan laba geesood oo maanta ka dhacay magaalada Hargeysa, una dhexeeyey Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wafdi uu hoggaaminayey Taliyaha Ciidamada Howlgallada gaarka ah ee Maraykanka ee Afrika (SOCAFRICA), General Claude Tudor ayaa waxaa laga helayaa faahfaahin iyo xogo waxa ka soo baxay kulankaasi.
Sida ay sheegtay madaxtooyada Somalialnd wadahadalada ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray iskaashiga amniga iyo danaha istaraatiijiga ah ee ay wadaagaan labada dhinac. Kulanka ayaa la carrabaabay in si qoto dheer looga wadahadlay sugidda amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka Bab Al-Mandab, kuwaas oo loo arko marinno muhiim u ah ganacsiga iyo amniga gobolka geeska Afrika & kan caalamka.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in Somaliland ay tahay cidda ugu muhiimsan marka la eego ilaalinta amniga Marin-biyoodka gobolka (Badda Cas, Bab Al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed) isla markaana ay leedahay badan 850 km oo xeeb ah oo ku teedsan mid ka mid ah marin-biyoodada ugu muhiimsan adduunka. Waxa uu xusay in amniga Xeebaha Somaliland uu yahay qayb ka mid ah amniga Gobolka iyo kan Caalamkaba ayaa lagu yiri warka Somaliland.
Cirro oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xarriiqay in aan Somaliland indhaha laga leexin karin, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in cid kasta oo danaynaysa iskaashiga amni ee Xeebaha Somaliland ay si toos ah ula shaqayso kalana hadasho Somaliland.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa warka lagu xusay inay ka wadahadleen xoojinta iskaashiga dhinacyada la dagaallanka argagixisada, burcad-badeedda, dambiyada abaabulan, is-dhaafsiga xogta amniga iyo khibradaha ciidamada, iyadoo Madaxweynaha Somaliland uu sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay iskaashi dhow oo joogto ah oo uu la yeesho hay’adaha amniga ee Mareykanka.
Dhankiisa, sida bayaanka lagu xusay General Claude Tudor ayaa sheegay in Mareykanka iyo Somaliland ay wadaagaan dano amni oo muhiim ah, isla markaana ay diyaar u yihiin sii xoojinta wada-shaqeynta & iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dhinac, gaar ahaan arrimaha la xiriira amniga Geeska Afrika iyo marin-biyoodka caalamiga ah.
Kulankan ayaa ku soo aadaya iyadoo Arbacadii iyo Khamiistii wafduud Mareykan ah ay socdaal ku tageen Kismaayo iyo Muqdisho, ayna wadahadallo kula soo yeesheen Madaxweynaha Jubbada, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo la sheegay inay isaga kala gudbi doonaan Garoowe iyo Hargeysa.
HBN ONLINE TV

