Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta jeediyay khudbad dheer, kadib dib u furitaanka kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka dalka, ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladaha amniga, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, siyaasadda arrimaha dibadda, horumarka ciidamada, xaaladda gobolka iyo arrimaha gudaha ee dalka.
Khudbaddiisa ayuu ku bilaabay in dowladda ay guulo ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo xusay in kooxda ay ku jirto marxaladdii ugu adkeyd tan iyo markii la aasaasay. Wuxuu tilmaamay in awoodda ciidan ee kooxda ay si joogto ah hoos ugu sii dhacayso, isla markaana dowladda ay sii wadi doonto howlgalada ka dhanka ah.
“Kooxda Alshabaab maanta waxay ku jiraan marxaladdii ugu adkeyd tan iyo markii la aasaasay. Waxaa si joogto ah hoos ugu dhacaya awooddoodii ciidan, dhaqaale iyo saameyn bulsho. Dowladda Soomaaliyeed waxay sii wadi doontaa dagaalka lagu wiiqayo laguna ciribtirayo kooxda ilaa shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan nabad, xasillooni iyo kalsooni ay ku qabaan dalkooda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Arrimaha dibadda: Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in 4-tii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya ay dib u soo ceshatay maqaamkeedii diblomaasiyadeed, isla markaana maanta ay tahay dal codkiisa la maqlo, aragtidiisana la tixgeliyo. Wuxuu tilmaamay in xubinnimada ay Soomaaliya ku leedahay fadhiyada amniga ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay dalka ka dhigtay mid ka gudbay marxaladdii go’aannada masiirkiisa looga gaari jiray meel ka baxsan xuduudihiisa isaga oo maqan.
Amniga gobolka iyo Israa’iil: Madaxweynaha oo ka hadlay arrimaha amniga Geeska Afrka iyo xaaladda Bariga Dhexe, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan oggolaan doonin in colaadaha gobolkaasi loo soo raro gobolka, ayna ahayn wax sahlan. Wuxuu si gaar ah hadallo kulul ugu weeraray Israa’iil, kadib markii si adag u sheegay in Soomaaliya ay xoog iyo xeeladba u adeegsan doonto sidii looga hortagi lahaa waxa uu ku tilmaamay fitnada Israa’iil ee gobolka la keenay, wuxuuna ka dalbaday in Telaabiib ka baxdo dalka.
“Israa’iil Fitnooyinka jira ee Adduunkay ka mid tahay. Nasiibkeenu wuxuu ahaa fitnadaasi waa inaga fogeyd. Nimankii Fitnadii inta soo qaadeen hadda ay inoo keeneen, suurtagal maaha marka. Colaadda iyo dhibaatada qarni ku dhawaadka ka jirta Bariga dhexe in geeska Afrika la keeno si sahlan ma aha, waxay doonto dadka ha u sheegto, ‘kumeelgaar waaye, muddo kooban waaye, waa ka guureynaa, Berriyaan ka tagaynaa’ waxay doonto ha dhahdo. Sidaas darted, Soomaaliya cod dheer iyo cod gaabanba waxay ku leedahay Israa’iil hanaga baxdo” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale, Waxaa uu intaas ku daray in Dowladda Soomaaliya ee dhanka dadaalladaasi ay barbar socon doonaan iskaashi caalami ah si looga hortago wax kasta oo saameyn ku yeelan kara amniga gobolka, isagoo sidoo kale ku celiyay mowqifka dowladda ee ku aaddan midnimada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Israa’iil ku eedeeyay inay weli xoog ku haysato dhulalkii ay qabsatay tobannaan sano ka hor, halka kuwo kalena awood looga saaray.
“Meel ay tagtay weligeed kama tagin. Golan Heights Suuriya 1967 ayey tagtay, weli waa joogtaa kama aanay tagin. Siinaay sidaasi oo kale waa ay qabsatay, xooggaane looga saaray, kamay tagin. Dabeecadda Israa’iil iyo taariikhda akhriya, meesha ay tagto kama tagto. Meeshaas inayna deginaa rabnaa anaga. Waxaan ka shaqeynaynaa xoog, xeelad, Diblomaasiyad iyo iskaashi calami ah inta aan leenahay oo dhan waxaan u isticmaalaynaa Israa’iil meeshaas inayna degin” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Siyaasadda gudaha: Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay siyaasiyiin uu ku tilmaamay inay is hor istaagayaan horumarka dalka, isagoo sheegay inay jiraan dad aan rumeysneyn in Soomaaliya ay si xor ah uga tashato mustaqbalkeeda iyo hay’adaheeda dastuuriga ah. Xasan Sheekh ayaa si gaar ah u dhaliilay siyaasiyiinta golaha Mustaqbal ee Mucaaradka oo uu ku eedeeyay inay dano shisheeye u adeegayaan sida uu hadalka u dhigay, isagoo hoosta ka xariiqay in aysan jirin karin cid xaq u leh inay dhaawacdo hay’adaha dastuuriga ah ama ay dalka geliso qalalaase siyaasadeed si ay u gaarto dano gaar ah.
“Ragga odayasha ah (Mucaaradka) waxaan leeyahay Soomaaliyada maanta, ma aha Soomaaliyadii shalay aad ka ahayd madaxweynaha kumeelgaarka ah ama wasiirka ama Ra’iisal Wasaaraha maanta ma aha Soomaaliya” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sii wadidda dib u dhiska hay’adaha dowladda, xoojinta ciidamada qaranka, la dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka, isagoo shacabka ugu baaqay inay garab istaagaan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, amniga iyo horumarka Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

