Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin Anderson, ayaa sheegay in Mareykanku uusan wax qorshe ah ka lahayn inuu saldhig ciidan ka dhisto magaalada Berbera ee deegaannada Somaliland, isagoo sidoo kale caddeeyay in Washington ay weli taageersan tahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Jeneraal Anderson ayaa sheegay in booqashooyinka saraakiisha AFRICOM ay ku tageen Hargeysa iyo Berbera aysan la xiriirin qorshe saldhig ciidan looga dhisayo halkaas, balse ay qeyb ka yihiin iskaashi amni oo gobolka ah. Wuxuu meesha ka saaray wararka la xiriira suurtagalnimada aqoonsiga Somaliland, isagoo xusay in siyaasadda Mareykanka ee taageeridda madax-bannaanida iyo wadajirka Soomaaliya aysan wax isbeddel ah ku imaan.
Dhanka kale, Anderson ayaa carrabka ku adkeeyay in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka Alshabaab iyo Daacish. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in guusha dadaalladaasi ay ku xirnaan doonto jiritaanka heshiis iyo isfaham siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka & saamileyda siyaasadda Soomaaliya.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay jireen hadal-heyn la xiriirtay warbixino sheegayay in Berbera laga yaabo in mustaqbalka ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka, Imaaraadka iyo Israel, inkastoo Washington aysan xaqiijin wararkaas. Hadalka Jeneraal Anderson ayaa si cad meesha kaga saaray sheegashooyin ah in Maraykanku qorsheynayo joogitaan ciidan oo rasmi ah oo ka dhaca Somaliland intii uu booqasho ku joogay Muqdisho, kulana kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda amniga Soomaaliya.
Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga, taageerada ciidamada Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay in xalalka amniga ay la socdaan heshiis iyo is-afgarad siyaasadeed oo waara.
HBN ONLINE TV

