Soomaaliya oo ku biirtay isbahaysi uu Sacuudigu hoggaaminayo oo lagu sugayo amniga Badda Cas, Marinka Bab al-Mandeb iyo Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 14 waddan oo saxiixay bayaan wadajir ah oo lagu taageerayo dhismaha Isbahaysiga Difaaca Badaha ee Dalal Badan, kaas oo uu hoggaaminayo Sacuudiga. Isbahaysigan ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta amniga Marinka Bab al-Mandeb, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Go’aankan ayaa lagu dhawaaqay kaddib shir caalami ah oo uu martigeliyay Sacuudiga, kaas oo ay ka qeybgaleen taliyeyaasha ciidamada ee 43 dal iyo wakiillo ka socday Midowga Yurub (EU).

Ka qaybgalayaashu waxay dib u eegis ku sameeyeen qabyo-qoraalka axdiga lagu aasaasayo isbahaysigan cusub, kaas oo loogu talagalay in lagaga hortago khataraha amni ee sii kordhaya ee ka jira marin-biyoodka gobolka.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Sacuudiga, isbahaysigan wuxuu u furnaan doonaa dhammaan waddamada la wadaaga himilooyinkiisa iyo mabaadi’diisa.

Dalalka kale ee saxiixay bayaanka waxaa ka mid ah Sacuudiga, Kuwait, Baxrayn, Qatar, Turkiga, Pakistan, Masar, Urdun, Yemen, Bangladesh, Nigeria, Suudaan iyo Jabuuti

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed