Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Uganda, iyadoo shir-madaxeedka AUSSOM oo ka furmayo dalkaasi

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, si uu uga qeyb galo shir-madaxeedka dalalka ciidamadoodu ka qeyb qaataan howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo diiradda lagu saarayo amniga Soomaaliya iyo mustaqbalka howlgalka.

Kahor shir-madaxeedka berri, magaalada Kampala waxaa maanta ka qabsoomay shir ay yeesheen Wasiirrada Gaashaandhigga ee dalalka ciidamada ku taageera howlgalka AUSSOM. Wafdiga Soomaaliya kaga qeyb galay kulanka, ayaa sheegay in looga hadlay qiimeynta xaaladda amniga dalka, dib u eegista horumarka howlgalka AUSSOM, xoojinta iskaashiga dalalka ciidamada bixiya iyo taageerada lagu dardargelinayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Kulanka ayaa la tilmaamay in lagu adkeeyay muhiimadda sii wadidda iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo dalalka ciidamada ku taageera howlgalka AUSSOM, si loo xoojiyo awoodda Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed loona dardargeliyo howlaha ka dhanka ah Alshabaab.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu gaaray Kampala kulan la yeeshay dhiggiisa Uganda, Yoweri Kaguta Museveni. Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada amniga, la dagaallanka Alshabaab, iyo iskaashiga gobolka.

Sidoo kale, waxay is dhaafsadeen sida ay madaxtooyada Soomaaliya carrabaabtay aragtiyo ku saabsan muhiimadda shir-madaxeedka AUSSOM, iyagoo adkeeyay in la sii xoojiyo taageerada caalamiga ah ee lagu garab istaagayo Soomaaliya si loo xaqiijiyo amni, xasillooni siyaasadeed iyo dowlad-dhis waara.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed