Maxay kawada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh & Taliyaha AFRICOM oo kulmay?

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Dagvin Anderson, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda amni ee dalka & gobolka, iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga & difaaca ee u dhexeeya labada dal.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha AFRICOM oo ku saabsan kaalinta ay Mareykanku ka qaadanayaan dib u dhiska & tayeynta Ciidamada Qaranka Soomaaliya.

Sidoo kale, Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan AFRICOM iyo diblumaasiyiin ka socday Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo Daacish, xoojinta wada-shaqeynta amniga iyo difaaca, & taageerada Mareykanka ee ku aaddan horumarinta nabadda, xasilloonida iyo amniga Soomaaliya.

Dhankiisa, Taliyaha AFRICOM, General Dagvin Anderson, ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada, tayeynta ciidamada iyo xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli Dowladda Mareykanka ay dhowaan shaacisay inay joojisay taageeradii dhaqaale ee ay ku bixin jirtay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), arrin abuurtay dood ku saabsan mustaqbalka maalgelinta howlgalka iyo taageerada caalamiga ah ee amniga Soomaaliya.

Si kastaba, shalay ayay ahayd markii wafdi ka socda Congress-ka iyo taliska milatariga ay gaareen magaalada Kismaayo, halkaas oo ay wada-hadallo kula soo yeesheen Madaxweynaha Jubbada, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), waxaana la sheegay inay usii gudbi doonaan magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa oo ay kula kulmi doonaan madaxda Puntland iyo Somaliland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed