Weerar lagu laayay askar Kenyan ah ka dhacay Mandheera, kadib dagaal ay la galeen Alshabaab

Inta la xaqiijiyey 5 Askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya ayaa lagu dilay iska horimaad ay la galeen dagaalyahanno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Alshabaab, sida ay booliiska Kenya ku sheegeen warbixin rasmi ah.

Booliiska dalkaasi ayaa sheegay in iska horimaadku uu ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi Bari Kenya, oo ku dhow xadka Soomaaliya, kadib markii ciidamo ka tirsan cutubka gaarka ah ee SOG Alungu ay la kulmeen dagaalyahannada Alshabaab xilli ay roondo ku jireen.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in ciidamada Kenya ay bilaabeen howlgallo lagu baadi-goobayo kooxdii weerarka fulisay. Koox gurmad ah oo loo diray goobta ayaa la kulantay qarax miino oo nooca waddooyinka lagu aaso, kaas oo burburiyay gaari gaashaaman, inkastoo aan wax khasaare naf ah laga soo sheegin.

Alshabaab oo sannado badan dagaal kula jirtay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weerarro joogto ah ka fulisa deegaannada xadka Kenya iyo Soomaaliya dhaca. Bishii Janaayo ee sanadkan 2026 booliiska Kenya ayaa sheegay in kooxdu ay ku dishay madax deegaan iyo macallin gobolka dariska la ah ee Gaarisa.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed