Ciidamada Danab ee Puntland ku sugan oo digniin kasoo saaray khilaafka gobolka ka jira

Taliska Ciidamada Danab ee deegaanada Pintland ayaa si cad u taageeray Ciidanka PSF, iyagoo bayaan ay soo saareen si kulul ugu eedeeyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, inay jirto halis sii kordheysa oo horseedi karta dagaallo gudaha Puntland ka qarxa, sida hadalka loo dhigay.

War saxaafadeed uu talisku soo saaray ayaa lagu sheegay in laga digayo wararka la xiriira suuragalnimada weerarro lagu qaado ciidamada PSF, kadib markii lagu eedeeyay Xukuumadda Madaxweyne Deni inuu hurinayo waxay ugu yeereen “colaad iyo dagaal sokeeye”—Waxay sheegeen in haddii dagaal dhaco uu noqonayo kii 4-aad ee noociisa ah oo ka dhaca gudaha Puntland, isla markaana ciidamada maamulka la isku adeegsanayo.

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu sheegay in uusan jirin weerar dibadda uga yimid Puntland, balse khilaafka taagan uu salka ku hayo sida ay ku doodeen talisku arrimo siyaasadeed oo u dhexeeya dhinacyo ka tirsan Puntland. Waxay tilmaameen in muranka uu la xiriiro hoggaaminta maamulka iyo waxa ay ku carrabaabeen isku koobidda awoodda.

Ciidamada taageeray PSF ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Deni inuu bartilmaameedsanayo sida hadalka loo dhigay cid kasta oo aragti ahaan ka duwan, isla markaana uu doonayo in Puntland ay noqoto meel uu kelitalisnimo ku maamulo. Waxay ugu baaqeen dhinacyada ay khusayso in laga hortago dhiigga askarta Puntland iyo colaad ka dhex dhalata ciidamada.

Ugu dambeyn, bayaanka talisku soo saaray ayaa lagu sheegay in haddii dagaal ama colaad sokeeye ay ka dhacdo Puntland, mas’uuliyadda bilaabashadeeda ay dusha ka saaran tahay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, iyaya oo xusay in ciidamada PSF ay door muhiim ah ka soo qaateen sugidda amniga Puntland sannado badan, isla markaana ay yihiin ciidamo ka soo jeeda Puntland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed