Kadib kulan maanta madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Xildhibaan Darin LaHood oo ka tirsan Aqalka Wakiillada ama Congress-ka Mareykanka, kaas oo socdaal ku yimid dalka maanta ku dhexmaray Muqdisho ayaa waxaa arrintaan xog iyo faahfaahin ka bixisay madaxtoyada Soomaaliya.
Kulanka ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo 2-da dhinac ay ka wada hadleen iskaashiga dhinacyada nabadda, amniga, la dagaallanka argagixisada, ganacsiga iyo dhiirrigelinta maalgashiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bayaanka lagu xusay in uu uga mahadceliyey Mareykanka taageerada ay siiyaan Soomaaliya, isagoo xusay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga caalamiga ah & xaqiijinta jawi amni oo u sahla kobaca dhaqaalaha iyo soo jiidashada maalgashiga.
Dhankiisa, Xildhibaan Darin LaHood ayaa la tilmaamay inuu bogaadiyey Soomaaliya, horumarka ay ka sameyneyso dib u dhiska hay’adaha dowladda, xasillinta dalka iyo dagaalka lagula jiro waxa loogu yeero argagixisada. Wuxuu sidoo kale muujiyey sida ay uga go’an tahay sida hadalka loo dhigay in dowladda Mareykanka sii xoojiso xiriirka & wada-shaqeynta kala dhaxeysa Soomaaliya.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli loollanka siyaasad & istiraatiijiyadeed ee gobolka Geeska Afrika uu isbeddello waaweyn ku socdo, iyadoo Muqdisho loo arko goob istiraatiiji ah oo kaalinteeda juqraafi siyaasadeed ay saameyn ku yeelan karto danaha ku xiran marinada muhiimka ah ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Soomaaliya ayaa sidoo kale raadineysa taageero dheeraad ah oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Alshabaab, si loo helo xasillooni amni oo horseedi karta fursado maalgashi, kobcinta wax-soo-saarka gudaha iyo horumar dhaqaale.
HBN ONLINE TV

