Soomaaliya & Kenya oo ka wada hadlay socdaalka 2-da dal, iyada oo warar hadal-hayn dhaliyey ay faafeen

Dowladda Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta sheegay inay ka wahadleen xoojinta iskaashiga dhinaca socdaalka & arrimaha qunsuliyadaha, kadib kulan gaar ah oo ku dhex qabsoomay shirka dalal dalalka Afrika uga socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Shirkan dhex maray Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Abdisalaam Cabdi Cali (Dhaay) iyo Musalia Mudavadi ayaa diiradda lagu saaray cilaaqaadka iyo xiriirka labada dowladood, gaar ahaan fududeynta isu socodka shacabka & ballaarinta adeegyada qunsuliyadeed.

Sida lagu sheegay war rasmi ah oo dowladda Soomaaliya soo saartay, labada wasiir ayaa isku afgartay in la xoojiyo iskaashiga & isku-duwidda arrimaha qunsuliyadaha, isla markaana la dardargeliyo tallaabooyinka lagu fududeynayo socdaalka muwaadiniinta labada dal.

Sidoo kale, Waxay ku heshiiyeen in la ballaariyo furitaanka qunsuliyado cusub oo laga hirgelinayo magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya iyo Kenya.

Kulanka ayaa ku soo aadayaa iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya in masuuliyiin ka tirsan dawlada Soomaaliya in laga soo celiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairob, iyadoon la sheegin sababta.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed