Guddiga doorashooyinka oo digniino culus u diray ururada ku tartamaya doorashada Galmudug

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa digniino culus u jeediyay ururrada siyaasadda ee ka qeyb galaya doorashada lagu wado in 2 maalin kadib ka qabsoonto deegaannada maamulka Galmudug. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in si adag loo ilaalin doono hannaanka doorashada iyo ku dhaqanka shuruucda u dejisan.

Cabdikariin wuxuu sheegay in aan loo oggolaan doonin musharraxiinta inay isu soo ekeeysiiyaan kormeerayaal ama goobjoogayaal matalaya ururrada siyaasadda. Sida uu sheegay, baaritaanno la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dad doonayay inay ka shaqeeyaan sida uu hadalka u dhigay goobaha doorashada ay ahaayeen musharraxiin, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid si cad uga hor imaanaysa xeerarka doorashada.

“Waxaa afeef iga ah in ay qeyb ka mid noqon karin goonjoogayaasha ururada siyaasadda dad musharaxiin ah— Dhuusamareeb dad badan oo kamid ahi oo damcay inay ka shaqeeyaan, waxaan la soconaa inay noqdeen musharaxiin baaritaan dheer ka dib—waa mamnuuc . Ururkii ay dhacdo inuu qof goobjoog ka soo dhigo, waa nin isaga is mehriniya” ayuu yiri guddoomiye Cabdikariim.

Sidoo kale, Guddoomiyaha sheegay in tallaabooyin sharci laga qaadi doono cid kasta ama urur kasta oo lagu helo inuu jebiyay xeerarka doorashada. Wuxuu xusay in ciqaabaha ay ka mid noqon karaan maxkamadeyn, xarig & xitaa in ururka lagala laabto shahaadada aqoonsiga iyo sharciyadda uu ku shaqeynayo.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in aan la aqbali doonin in musharraxiin ay isku qariyaan magaca shaqaale mutadawiciin ama goobjoogayaal, isagoo ku tilmaamay arrintaasi mid dhaawaceysa hufnaanta iyo kalsoonida doorashada.

“Waxa ka imaan kara Maxkamadayn, Xarig, in ururka la ganaaxo, waxaa ka imaan karta in ururka lagala laabto Shahaadada, aqoonsiga iyo sharciyadda uu lahaa—waa mamnuuc. Arinkaa inaan aragno fadeexadey ahayd, in nin musharax ah iyo gabar musharaxad ah ay ku soo dhex dhuuntaan oo ay yiraahdaan shaqaalaha mutadawiciinta ah” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Dhanka kale, Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo goor dhow oo caawa ah hadlay ayaa sheegay in maanta ay ku ekeyd mudadii ololaha doorashada Galmudug, laga bilaabo berrine ay mamnuuc tahay in wax olole ah la sameeyo. Wuxuu Guddigu ku booriyey Urarada siyaasadda in la fujiyo dhammaan calaamadaha ololaha ee ku dhegan gaadiidka iyo goobaha dadweynaha.

Ugu dambeyn, wuxuu faray ururrada siyaasadda iin mid walba uu u soo dirsado goobta codbixinta hal wakiil oo aan ahayn musharax, isla markaana aan la ogolaan doonin cid kale oo ka socota urur siyaasadeed inay tagaan ama booqdaan goobaha codbixinta.

HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed