Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa sheegtay in dalka uu wajahayo hoos u dhac weyn oo ku yimid kaalmadii caalamiga ahayd, iyadoo qiimeyn ay sameysay muujisay in gargaar malayaayiin Doollar ah oo sannad kasta dalka soo geli jiray uu hadda joogsaday.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in isbeddellada ku yimid deeqaha caalamiga ah ay saameyn dhaqaale oo ballaaran ku yeesheen dalka. Wuxuu xusay in lacagta ka go’day Soomaaliya aysan ahayn mid yar, balse ay gaartay qiyaasaha la sameyey gargaar u dhexeeya $450 milyan ilaa $600 milyan oo go’anay 2024 iyo 2025-kii.
Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in kaalmada la siiyo Soomaaliya ay labadii sano ee isku xigay (2024–2025) hoos u dhacday 25%, taasoo saameyn ku yeelatay fulinta adeegyo muhiim ah iyo barnaamijyo bani’aadannimo oo ay maalgelin jireen deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.
Sida uu sheegay Wasiirka, hoos u dhaca deeqaha ayaa si weyn u saameeyay adeegyada caafimaadka, gaar ahaan deegaannada ka fog magaalooyinka waaweyn ee ay ku nool yihiin bulshada nugul. Waxaa sidoo kale saameyn xooggan ku yeesheen dhinacyada cuntada & waxbarashada, gaar ahaan dadka danyarta ah ee ku tiirsanaa mashaariicda gargaarka.
Biixi Iimaan ayaa intaas ku daray in hoos u dhaca deeqaha uu si toos ah u saameeyay ku dhowaad 70% hay’adaha aan dowliga ahayn (NGO-yada) ee ka howlgalayay Soomaaliya, kuwaas oo door muhiim ah ku lahaa bixinta adeegyada aasaasiga ah iyo taageerada bulshada nugul.
“Qiimeynta aan sameynay ee isbedelkaas ee deequhu wax yar ma aha xaddiga lacageed ee ay taabatay, waxaan ka hadlaynaa sanadkii $450 Milyan ilaa $600 Milyan oo dalka soo gali jirtay oo meesha ka baxaysa” wasiir Biixi.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa wajahaysa dhaqaale yari baahsan, iyada oo gargaarka ay hay’addaha caalamku bixiyaan ay wax looga qaban jiray adeegyada aas aasiga ah.
HBN ONLINE TV

