Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay go’aankooda ku aaddan in mas’uuliyadda amniga dalka Soomaaliya lagu wareejiyo Ciidamada Amniga ee Dowladda Federaalka.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa manta magaalada Addis Ababa kulan gaar ah kula qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene. Kulankan ayaa looga hadlay hirgelinta waajibaadka loo igmaday howlgalka AUSSOM iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga Soomaaliya.
Guddoomiye Maxamuud Cali ayaa ku bogaadiyay ciidamada ka socda dalalka Afrika doorkii sida uu yiri naf-hurnimada lahaa ee ay ka soo qaateen nabad ilaalinta iyo xasilinta Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007-dii. Wuxuu xusay in howlgalku uu hadda marayo loo diyaarinayo sidii ciidamada qaranka Soomaaliyeed ay sibuuxda ula wareegi lahaayeen ammaanka dalkooda.
Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in taageerada Midowga Afrika ee ku aaddan Soomaaliya ay tahay mid joogto ah, ilaa laga gaarayo nabad waarta iyo isku-fillaansho amni. Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Mareykanka dhaqaalihii ka joojiyay howlgalka AUSSOM, iyadoo la qorsheynayo in ay si tartartiib ah in ay dalka kaga baxaan.
HBN ONLINE TV

