Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo safar u ah Mareykanka ayaa la sheegay inuu u sheegay golihiisa wasiirrada in Mareykanku doonayo in Israa’iil ay ciidamadeeda kala baxdo meelo ka mid ah Lubnaan, Qasa iyo Suuriya, isla markaana uu sheegay inuusan aqbali doonin codsigaas, sida uu sheegay telefishinka Kanaal 13.
Isagoo soo xiganaya ilo amni oo aan magacyadooda la shaacin, Telefishinka Kanaal 13 ayaa sheegay in Washington ay doonayso in ciidamada Israa’iil ay sameeyaan “ka bixitaanno isdaba joog ah” oo ka dhacda saddexda jiho, inkastoo aan la caddeyn inay noqonayaan ka bixitaan buuxa ama qayb ahaan.
Warbixintu waxay sheegtay in Netanyahu uu wasiirrada u sheegay inuu “ku adkaysan doono go’aankiisa isla markaana uu iska caabin doono Mareykanka.”
“Waxaan ku oron doonaa maya,” ayaa laga soo xigtay Netanyahu inuu u sheegay wasiirradiisa.
Xigasho: Warbaahinta Israa’iil

