Zelenskyy “Ruushku 30 kun oo ciidamo Kuuriyada Waqooyi ka socda ayuu dagaalka soo galinayaa”

Madaxweyne, Volodymyr Zelenskyy, ayaa sheegay in Ruushka uu qorsheynayo inuu keeno 30,000 askari oo dheeraad ah oo ka socda Kuuriyada Waqooyi si ay uga qeyb qaataan dagaalka Ukraine, isagoo ku eedeeyay Moscow iyo Pyongyang inay sii xoojinayaan iskaashigooda militari.

Khudbad uu jeediyay, Zelenskyy wuxuu sheegay in xogaha sirdoonka Ukraine ay muujinayaan in ciidamada cusub la qorsheynayo in la geeyo gobolka Voronezh ee Ruushka, halkaas oo la filayo in loogu diyaariyo hawlgallada dagaal ee xilliga dayrta. Wuxuu sidoo kale sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay Ruushka siin doonto gantaallo ballistic ah iyo qalab kale oo culus.

Ma jiraan cid madaxbannaan oo xaqiijisay sheegashada Zelenskyy, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Ruushka & Kuuriyada Waqooyi oo ku aadan eedeymahan.
Madaxweynaha Ukraine ayaa ku dooday in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uusan muujin wax calaamad ah oo uu ku doonayo nabad, isla markaana qorshayaashan cusub ay caddeyn u yihiin in Moscow ay damacsan tahay inay sii waddo dagaalka.

Zelenskyy wuxuu digniin ku bixiyay in iskaashiga militari ee u dhexeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi uusan khatar ku ahayn Ukraine oo keliya, balse uu halis ku yahay guud ahaan qaaradda Aasiya. Wuxuu sheegay in Ruushku uu ka caawinayo Pyongyang inay hesho khibrad dagaal oo toos ah iyo horumarinta hubkeeda casriga ah.

Sida uu sheegay Zelenskyy, Kuuriyada Waqooyi waxay hore u dirtay ku dhowaad 14,000 askari oo ka barbar dagaallamay ciidamada Ruushka tan iyo 2024, gaar ahaan gobolka Kursk.

Dhanka kale, Zelenskyy ayaa sidoo kale ku eedeeyay Ruushka inuu Iiraan ka caawinayo weerarrada Bariga Dhexe, isagoo sheegay in sawirro ay dayax-gacmeedyada Ruushku ka qaadaan saldhigyada militariga ee dalalka Khaliijka ay markii dambe gaaraan Tehran si loogu qorsheeyo weerarro.

Wararkan ayaa imanaya xilli ciidamada Ruushka ay waaberigii Axadda gantaallo ballistic ah ku weerareen caasimadda Ukraine ee Kyiv, kuwaas oo sababay dab ka kacay dhowr degmo, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ukraine.

HBN Online TV + Warbaahinta Ukraine

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed