Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo shaaciyay xiliga la qaban doono doorashada Hirshabeelle

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray maanta jadwalka doorasho ee Golaha deegaanka iyo Wakiillada maamulka Hirshabeelle, iyadoo maalin ugu dambeysane laga  dhamaadka bisha soo socota.

Sida ku cad jadwalka guddigu soo saaray, diiwaangelinta iyo qaybinta kaararka codbixiyeyaasha ayaa la soo gabagabeyn doonaa 5-ta bisha 8-aad Agoosto, halka 7-da isla bisha la asteyn doono lana shaacin doono xarumaha iyo goobaha codbixinta. Liiska hordhaca ah ee codbixiyeyaasha ayaa la shaacin doonaa 8-da Agoosto.

Sidoo kale, ururrada siyaasadda ayaa la faray inay soo gudbiyaan liiska wakiilladooda ee goobaha codbixinta ugu dambeyn 11-ka Agoosto, halka diiwaangelinta iyo xaqiijinta musharraxiinta Golaha Wakiillada iyo Golaha deegaankana la soo gabagabeyn doono 15-ka Agoosto.

Galka kama dambaysta ah ee codbixiyeyaasha ayaa la shaacin doonaa 16-ka Agoosto, halka liiska musharraxiinta ururrada siyaasaddana la soo bandhigi doono 18-ka Agoosto.

Guddiga Doorashooyinka ayaa ugu dambeyn sheegay in maalinta doorashada Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Hirshabeelle ay si rasmi ah u dhici doonto 20-ka Agoosto, iyadoo jadwalkan uu qayb ka yahay diyaar-garowga doorashooyinka maamulka Hirshabeelle.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed