Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad ayaa wareysi uu bixiyay kaga hadlay arimo badan oo ku aadan siyaasadda gudaha ee dalka, khilaafkaad maamulada, iyo go’aanada ay qaateen ee sida adag looga hor yimid.
Marka hore wareysiga ayuu Wasiir Balcad kaga hadlay booqashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ay ku tageen magaalada Laascaanood, taasi oo uu sheegay inay qayb ka tahay geeddi-socodka dhismaha dowlad-goboleedyada Federaalka Soomaaliya. Wuxuu xusay in dowladda ay aaminsan tahay in Laascaanood iyo guud ahaan deegaannadaasi ay ka tirsan yihiin Soomaaliya, isla markaana midnimada dalka aysan ahayn arrin laga gorgortami karo, inkastoo laga wada hadli karo qaabka Federaalka iyo awood-qaybsiga.
“Anigu ma aqbalayo in Soomaaliya iyo Somaliland loo soo bandhigo sidii laba dal oo kala duwan. Somaliland waa qayb ka mid ah Soomaaliya, sidaas darteed labadooda lama isu barbar dhigi karo. Marka labaad, gobollada waqooyi-bari Soomaaliya waxay hadda yeesheen dowlad-goboleed ka tirsan nidaamka federaalka Soomaaliya. Sidoo kale dadka ku nool galbeedka gobolkaas, gaar ahaan Awdal, waxay iyaguna muujinayaan rabitaan ah inay qayb ka noqdaan nidaamka federaalka. Sidaas darteed ma aqbalayo hadalka Madaxweynaha Cirro. Waxaan rajeynayaa inuu garwaaqsado in aanay jirin wax la yiraahdo Somaliland mar dambe. Waxaan hadda ka hadlaynaa waqooyi-bari, bartamaha waqooyi iyo sidoo kale Awdal. Waxaan rajeynaynaa in dhammaan gobolladaasi ay ku soo biiraan dowladda federaalka Soomaaliya” ayuu yiri wasiir Cali Balcad.
Wasiirku wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay si cad uga soo horjeeddo aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland, isagoo xusay in ilaa hadda uusan jirin dal kale oo ku dayday tallaabadaas. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladda ay sii wadi doonto dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu ilaalinayo midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
Dhanka xiriirka Imaaraadka Carabta, wasiirku wuxuu sheegay in aan la jarin xiriirka diblomaasiyadeed, balse la hakiyay heshiisyadii jiray, maadaama Dowladda Soomaaliya ay diidan tahay in Imaaraadku si toos ah ula macaamilo maamul-goboleedyada. Wuxuu ku dooday in albaabku u furan yahay wada-hadal, haddii xiriirka lagu saleeyo heer dowlad iyo dowlad, isagoo intaa ku daray in siyaasadda arrimaha dibadda ay tahay awood u gaar ah Dowladda Federaalka.
Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Sacuudiga, Turkiga iyo Mareykanka, isaga oo sheegay in Sacuudigu yahay saaxiib muhiim ah oo laga filayo iskaashi dhinacyada amniga, ganacsiga iyo maalgashiga, halka uu tilmaamay in mashruuca shidaalka ee Turkigu uu galay marxaladda qodista, isla markaana Soomaaliya ay dejisay sharciyo iyo hay’ado lagu maamulayo kheyraadka dabiiciga ah.
Balcad wuxuu intaa ku daray in Turkigu uu si buuxda u ixtiraamo madax-bannaanida Soomaaliya, halka Mareykankana uu ku tilmaamay saaxiib taariikhi ah oo taageero ka geysta amniga, waxbarashada, caafimaadka iyo gargaarka bani’aadannimo.
Ugu dambeyn, wasiir Cali Balcad ayaa sheegay in Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah uga faa’iidaysanayso xubinnimadeeda Bulshada Bariga Afrika (EAC), kadib markii wax laga waydiiyey waxa ilaa hadda Soomaaliya ka heshay inta ay ku jirtay, wuxuuna tilmaamay in la qorsheynayo in la fududeeyo isu-socodka muwaadiniinta sanadka dambe 2027.
HBN ONLINE TV

