Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadleen khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS iyo dhinacyada mucaaradka ee ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka, iyagoo ku baaqay in la gaaro doorasho heshiis lagu yahay, hufan, isla markaana ay wada aqbalaan dhammaan dhinacyadu.
Bulshada Rayidka ayaa sheegtay inay daraasad ku sameeyeen hindiseyaasha doorasho ee ay soo jeediyeen Golaha Mustaqbalka, Nabad iyo Nolol iyo Golaha Midnimo Qaran, kadibna ay soo jeediyeen hannaan ku-meel-gaar ah oo ku saleysan deegaan-doorasho iyo nidaamka axsaabta, iyadoo codbixiyeyaashu si toos ah u dooranayaan musharrixiinta Golaha Shacabka.
Sidoo kale, War-saxaafadeedka ayaa ku baaqay in dowlad-goboleedyadu door muuqda ku yeeshaan hirgelinta doorashada, in la sameeyo hannaan madax-bannaan oo lagu xalliyo cabashooyinka, isla markaana la xaqiijiyo habraacyo hufan oo lagu maamulo diiwaangelinta codbixiyeyaasha, codbixinta iyo ku dhawaaqista natiijooyinka.
Ururradu waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta matalaadda haweenka, dadka naafada ah iyo qaybaha kale ee bulshada ee nugul, iyagoo sidoo kale soo jeediyay in doorashadu ay yeelato korjoogteyn gudaha iyo caalami ah, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka.
Bulshada Rayidka ayaa ugu dambeyn ugu baaqday DFS, Dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka inay ka gudbaan khilaafaadka siyaasadeed, ayna gaaraan is-afgarad ku saleysan tanaasul iyo wada-hadal si dalka loogu qabto doorasho loo dhan yahay oo sharciyad iyo kalsooni bulshada ku dhisan
HBN ONLINE TV

