Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS inay waddo qorshe lagu khalkhalgelinayo sida hadalka loo dhigay amniga gobolka Mudug, kadib markii ay sheegtay in diyaarado hub sida ay ka dejisay magaalada Gaalkacyo.
Wasiir ku-xigeenka Amniga Puntland, Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana, ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay is difaacdo haddii la isku dayo in xaaladdaha amni la carqaladeeyo. Wuxuu ku dooday in hubka la keenay waa sida uu sheegashadiisa ah ee Gaalkacyo uu yahay mid ay bixisay dowladda Turkiga, isla markaana ay Puntland hayso xog ku saabsan halka loo waday iyo cidda loo qorsheeyay in lagu hubeeyo.
Sidoo kale, Dujaana ayaa ku eedeeyay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo awoodda dowlad-goboleedyada, isagoo sheegay in Puntland iyo Jubbaland ay yihiin maamullada keliya ee weli si buuxda u taagan, sida uu hadalka u dhigay.
“Anagu waa is difaacaynaa runtii, sida muuqatane dowladihii xubanaha ka ahaa dowaldda Federaalka ah ka dambeeya Puntland iyo Jubbaland, duulaankaa qaawan baa haddane lagu soo qaadayaa, waxaan moognahay maahan, waa mid arinta ka dhalata ay ama waxa ka dhasha masuuliyadeeda qaadan doonto dowladda wakhtigeedu dhammaaday” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan.
Wasiir ku-xigeenka ayaa intaas ku daray in Puntland ay ka warqabto dhaqdhaqaaqyada la xiriira hubka iyo ciidamada la sheegay in laga qorayo deegaannada Puntland, isagoo uga digay Dowladda inay isku daydo wax kasta oo horseedi kara qalalaase amni oo ka dhaca Gaalkacyo.
Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin eedeymaha ay soo jeedisay Puntland ee la xiriira hubka la sheegay in la geeyay magaalada Gaalkacyo iyo qorshaha lagu sheegay in lagu wiiqayo awoodda dowlad-goboleedyada.
HBN ONLINE TV

