Soomaali iyo Itoobiyaan safar tahriib halis ah ku jiray oo lagu qabtay Zambia

Dowladda Zambia ayaa sheegtay inay qabatay 7 qof oo isugu jira muwaadiniin Soomaali iyo Itoobiyaan ah, kuwaas oo si qarsoodi ah ugu safrayay gaari rakaab ah oo ku sii jeeday xadka Zimbabwe.

Sida uu sheegay Maareeyaha Xiriirka Guud ee Maamulka Canshuuraha Zambia, Oliver Nzala, ciidamada ayaa gaariga ku qabtay magaalada Kapiri Mposhi xilli uu ku sii jeeday xadka Chirundu, oo kala qaybiya dalalka Zambia iyo Zimbabwe.

Saraakiisha ayaa sheegay in markii ay baarayeen gaariga ay gudaha ka heleen 7 qof oo ku dhuumanayay jawaano bariis ah, iyadoo dusha laga sii daboolay si aan loo arkin.

Darawalka gaariga iyo dhammaan muhaajiriintii la qabtay ayaa loo gudbiyay Waaxda Socdaalka ee Zambia, halkaas oo baaritaanno dheeraad ah ay ka socdaan si loo ogaado duruufaha tahriibka iyo cidda ka dambeysay abaabulkiisa.

Dowladda Zambia ayaa sheegtay in dalka uu weli yahay marin muhiim ah oo ay isticmaalaan tahriibayaasha ka yimaada dalalka Geeska Afrika, kuwaas oo u socda dalka Koonfur Afrika. Inta badan dadka tahriibka ah ayaa adeegsada gaadiidka xamuulka si ay uga gudbaan baraha koontaroolka ee waddooyinka.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa, iyadoo ay sii kordhayaan dadaallada ay waddamada gobolka ku xoojinayaan la dagaallanka tahriibinta dadka iyo shabakadaha fududeeya socdaallada sharci darrada ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed