Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo ka hadlay dib u dhac ku yimid doorashada Galmudug

Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in muddo 5 maalmood ah lagu kordhiyay qabashada doorashada goleyaasha deegaanka ee maamulka Galmudug, taasi oo markii hore loo qorsheeyay inay dhacdo 25-ka bishaan July.

Guddoomiyaha Guddiga, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa sheegay in la dhammeystiray diyaarinta ciidamada ammaanka iyo howl-wadeennada ka qeyb qaadan doona sugidda iyo maamulka doorashada. Wuxuu xusay in doorashadu ay ka dhici doonto degmooyin badan oo Galmudug ah, iyadoo sanaadiiqda codbixinta la geyn doono deegaannada ay guddigu u qorsheeyay in codbixintu ka dhacdo.

Waxa uu sheegay in guddigu u diyaariyay doorashada ku dhowaad 2,000 oo howl-wadeen, kuwaas oo ay garab siin doonaan kumannaan askari oo sugi doona amniga goobaha codbixinta.

Sidoo kale, Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in dib u dhaca ku yimid doorashada uu salka ku hayo codsiyo uga yimid ururrada siyaasadda ee ka qeyb galaya tartanka, si loo helo waqti dheeraad ah oo loogu diyaar garoobo hanaanka doorashada.

Dhanka kale, waxaa deegaannada Galmudug ka socda ololaha ururrada siyaasadeed ee isdiiwaangeliyay, kuwaas oo ku loollamaya kuraasta goleyaasha deegaanka ee doorashada lagu dooran doono.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed