Ciidanka xoogga oo xog dheeraad ah ka bixiyey Howlgallo ka dhacay Hiiraan & Baay

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xog dheeraad ah ka bixiyey howlgallo ka dhan ah Alshabaab oo ciidamada dowladdu maanta ka fuliyeen gobollada Hiiraan iyo Baay, kuwaas oo lagu beegsaday fariisimo iyo goobo ay kooxdu ku lahayd.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda, ciidamada ayaa howlgalka 1-aad oo ahaa mid qorsheysan waxay ka sameeyeen deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo, godad iyo goobo ay Alshabaab u adeegsan jireen gabaad, abaabul iyo qorsheynta weerarro.

Sidoo kale, Dowladdu waxay sheegtay in howlgalka uu barbar socday duqeymo dhinaca cirka ah oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga ah, kuwaas oo lagu beegsaday goobihii ay kooxda ku sugnaayeen.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in howlgalku uu weli socdo, isla markaana faahfaahin dheeraad ah laga bixin doono khasaaraha ka dhashay marka la soo gabagabeeyo qiimeynta.

Dhanka kale, Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa howlgal kale ka fuliyeen deegaannada Buur Aylo, Jameeco, Durdur iyo Saaxweyne ee gobolka Baay lagu burburiyay fariisimo ay Alshabaab u adeegsan jirtay sida hadalka loo dhigay abaabulka iyo dhaqdhaqaaqyada ay ka wadday gobolka.

Dowladda ayaa sheegtay in howlgaladan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxda iyo xoojinta amniga deegaannada ay ciidamada ka howlgalaan.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda weli ma shaacin tirada khasaaraha ka dhashay howlgaladan, mana jirto illaa hadda war madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashooyinka la xiriira burburinta fariisimaha ama khasaaraha la gaarsiiyay Alshabaab.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed