Hindiya oo 44 muwaadniin Soomaali ah xabsi daa’in ku xukuntay

Maxkamad gaar ah oo ku taalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa xabsi daa’in ku xukuntay 44 muwaadin oo Soomaali ah, kaddib markii lagu helay, sida ay maxkamaddu sheegtay, dambiyo la xiriira burcad-badeednimo, afduub maraakiib iyo falal kale oo ka dhacay biyaha caalamiga ah sannadihii 2023 iyo 2024.

44-ka muwaadin ayaa lagu soo oogay laba kiis oo kala duwan, iyadoo 35 qof lagu soo qabtay afduubka markabka ganacsiga ee MV Ex-Ruen, oo siday calanka Malta, halka 9 kale lagu eedeeyay afduubka markabka kalluumeysiga ee FV Al Kambar, oo watay calanka Iran.

Garsooraha gaarka ah ee S.B. Dige ayaa sheegay in dambiyada lagu helay eedeysanayaashu ay ahaayeen kuwo aad u culus, isla markaana mudan ciqaabta ugu adag. Waxa uu xusay in afduubka maraakiibta, haynta shaqaalaha markabka si madax-furasho loogu helo, isku dayga dilka, adeegsiga shaqaalaha sida gaashaan bani’aadamnimo iyo diidmada awaamiirta Ciidanka Badda Hindiya ay yihiin falal aan si fudud loo qaadan karin.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay bogaadisay Ciidanka Badda Hindiya, iyadoo sheegtay inay si waafaqsan sharciga gudaha iyo kan caalamiga ah u guteen waajibaadkooda. Dhammaan 44-ka muwaadin ee Soomaaliyeed ayaa warbixintu sheegtay inay qirteen dambiyada lagu soo oogay, iyagoo maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto.

Sida lagu sheegay dacwadda, ragga la xukumay ayaa sheegay inay ka soo jeedaan deegaanada Puntland, isla markaana muddadii ay xirnaayeen ay la kulmeen xaalado adag oo ay ka mid yihiin xabsi adag, cunto yari, ehel la’aan iyo taageero dowladeed oo ay waayeen. Waxay sidoo kale ku doodeen in duruufaha dhaqaale ee ka jiray Soomaaliya ay ku riixeen falalka burcad-badeednimada, iyagoo codsaday in la tixgeliyo qirashadooda iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Hindiya, hase yeeshee maxkamaddu way diidday codsigooda.

Kiiska 9-ka eedeysane ayaa la xiriiray howlgal ay bishii Maarso 2024 ka fuliyeen maraakiibta dagaalka ee Hindiya INS Trishul iyo INS Sumedha ee Gacanka Cadmeed, kaddib markii la helay digniin ku saabsan afduubka markabka FV Al Kambar. Dacwad-oogistu waxay sheegtay in eedeysanayaashu ay shaqaalihii markabka muddo 3 maalmood ah u haysteen madax-furasho, isla markaana ay ugu hanjabeen hub ay ka mid yihiin qoryaha AK-47 iyo bam-gacmeedyada. Waxa kale oo lagu eedeeyay inay rasaas ku fureen maraakiibta dagaalka ee Hindiya.

Kiiska 2-aad ayaa la xiriiray 35 muwaadin Soomaaliyeed oo ay Ciidanka Badda Hindiya ee saarnaa INS Kolkata qabteen bishii Diseembar 2023, kaddib markii lagu eedeeyay afduubka markabka ganacsiga ee MV Ex-Ruen. Kooxdan ayaa sidoo kale lagu helay dambiyo hoos yimaada Sharciga ka-hortagga howlaha sharci-darrada ah ee Hindiya, halka dhammaan eedeysanayaashana lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin burcad-badeednimo, afduub, haysashada hub sharci-darro ah, jebinta xeerarka baasaboorrada iyo ajaanibta, adeegsiga walxaha qarxa iyo dambiyo kale oo hoos yimaada sharciyada dalka Hindiya.

Ilaa hadda Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan jawaabin go’aanka ay maxkamadda Hindiya ku xukuntay 44-ka muwaadin Soomaaliyeed, kuwaas oo loo haysto dambiyada culus.

Soomaaliya ayaa weli wajahaysa caqabado la xiriira burcad-badeednimada iyo falal amni daror oo ka dhacay baddaha, iyadoo meelaha ugu badan ee dhacdooyinka laga soo sheego ay ka mid yihiin deegaannada gobolka Bari.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed