Dab aad u weyn oo khasaare hantiyeed geystay ayaa maanta ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan qaybta Cabdalla Shideeye, oo ah goob ay ku badan yihiin ganacsatada qalabka elektaroonigga ah iyo farsamooyinka dayactirka.
Sida wararka hordhaca ah sheegayaan, Dabka ayaa baabi’iyay dukaamo badan iyo badeecooyin qiimo badan ku kacayay, iyadoo hanti fara badan ay ku basbeeshay ololka. Ciidamada dab-damiska ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay xakameeyaan dabka, kadib howlgal socday muddo dheer.
Intii lagu guda jiray daminta dabka, waxaa gurmadka ka qeyb qaatay dadweyne badan oo gacan ka geystay xakamaynta khasaaraha iyo in uu dabku ku sii fido goobo, ayna daadgureeyeen badeecooyinkii yaallay goobaha aanu dabku weli gaarin si looga badbaadiyo.
Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaan weli shaacin sababta rasmiga ah ee dhalisay dabkan, mana jirto war rasmi ah oo laga soo saaray baaxadda khasaaraha iyo qiimaha hantida ku burburtay.
Ganacsatada uu dabku saameeyay ayaa sheegay inay la kulmeen khasaare aad u weyn. Mid ka mid ah ganacsatada oo goobtiisii ganacsi ay gebi ahaanba gubatay indhihiisana ay ka muuqato murugo aad u badan ayaa sheegay in uusan waxba ka badbaadsan, isagoo xusay inuu waayay hanti uu uruurinayay muddo 16 sano ah.
“Waxba iima badbaadin. Maanta waxaan waayay hanti aan uruurinayay 16 sano. Murugo weyn ayaan dareemayaa, waxaana noqday qof wax walba waayay,” ayuu yiri.
Suuqyada waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa sannadihii u dambeeyay si isdaba joog ah ula kulmayay dabab sababay khasaare hantiyeed oo baaxad leh, kuwaas oo si gaar ah u saameeya ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah, halka ganacsatada waaweyn ay iyaguna la kulmaan khasaarooyin tobanaan kun oo doollar gaara.
HBN ONLINE TV

