Abaabul dagaal & ciidan oo ka socda dalka Yaman

Guddoomiyaha Golaha Hoggaanka Madaxtooyada Yaman, Rashad Al-Caliimi, ayaa ugu baaqay shacabka Yemen, qabaa’ilka, ciidamada, dhalinyarada iyo haweenka inay u midoobaan taageerada ciidamada qalabka sida iyo hay’adaha amniga si loo dardargeliyo dagaalka lagula jiro Xuutiyiinta.

Khudbad laga sii daayay telefishinka dowladda caalamka aqoonsan yahay ee dalkaasi ayuu Al-Caliimi ku sheegay in ciidamada iyo dhammaan xoogagga dowladda ay gudanayaan waajib qaran oo ah difaaca jamhuuriyadda, ilaalinta madaxbannaanida dalka, dib u soo celinta hay’adaha dowladda iyo soo afjaridda waxa uu ku tilmaamay “afgambiga Xuutiyiinta.”

Wuxuu sheegay in marxaladda hadda taagan ay u baahan tahay midnimo qaran iyo kalsooni lagu qabo dowladda, isagoo xusay in Yaman aysan mustaqbal ku yeelan karin jiritaanka kooxo hubeysan, isla markaana aan nabad lagu gaari karin mashruuc ku dhisan dagaal joogto ah.

Al-Caliimi ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in maanta laga bilaabayo dib u billaabashada dhoofinta shidaalka “si kasta oo suuragal ah”, isagoo sheegay in dakhliga laga helo loo adeegsan doono bixinta mushaharka shaqaalaha, hagaajinta adeegyada bulshada iyo taageeridda xasilloonida dhaqaalaha.

Dhanka kale, wuxuu Xuutiyiinta ku eedeeyay inay ka dambeeyaan burburka dhaqaalaha, hakadka mushaharka, barakaca malaayiin qof iyo sii socoshada colaadda, isagoo sheegay inay ka hormariyeen danaha Yaman dano shisheeye.

Guddoomiyaha Golaha Hoggaanka Madaxtooyada ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka ku nool deegaannada ay Xuutiyiintu maamulaan inaysan ku biirin dagaalka ama aysan carruurtooda u dirin jiidaha hore, isagoo ku eedeeyay Xuutiyiinta inay ka faa’iideysato dhibaatooyinka shacabka.

Khudbaddiisa ayuu ku soo gabagabeeyay isagoo muujiyay kalsooni uu ku qabo in ciidamada dowladda iyo shacabka Yaman ay dib u soo celin doonaan hay’adaha dowladda isla markaana ay soo afjari doonaan colaadda.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed