Faahfaahin ka soo baxaysa Dagaal culus oo duleedka Boosaaso ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa PSF 

Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Laag oo ku dhow kontoroolka magaalada Boosaaso, halkaas oo ay ku dagaallameen ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa PSF.

Sida ay sheegayaan goobjoogayaal, dagaalka ayaa qarxay kaddib markii ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo halkaas degan ay diideen in ay gudbaan kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidmada PSF, kuwaas ka soo amba-baxay magaalada Boosaaso, una socdeen gobollada kale ee Puntland. Lama xaqiijin karo halka sida rasmiga ah uu socdaalkooda ugu wajahnaa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in la maqlay rasaas culus iyo hub kala duwan oo ay isweydaarsadeen ciidamada.

Dagaalka ayaa sababay in uu gebi ahaanba istaago isu socodka gaadiidka u kala goosha magaalada Boosaaso iyo gobollada kale ee dalka, iyadoo aan weli la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska horimaadka.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo bixin PSF ama maamulka Puntland oo ku saabsan sababta rasmiga ah ee dhalisay dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay. Waxaa xusid mudan in ciidamada Daraawiishta Puntland iyo PSF ay marar kala duwan oo hore ugu dagaallamay gudaha iyo duleedka magaalada Boosaaso.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed