Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay dilka xubin 10-ka sare ee Alshabaab ku jiray

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa maanta faahfaahin ka bixisay howlgal lagu dilay xubin sare oo ka tirsanaa Alshabaab, kaas oo lagu eedeeyey dambiyo dagaal oo ka kala dhacay qeybo badan oo ka mid ah gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga ah lagu beegsaday horjoogahan oo magaciisa lagu sheegay Macallin Jinaaw Ibraahim, kaddib muddo bilooyin ah oo lagu raadjoogay.

Howlgalka lagu dilay horjooge Macailn Jinaaw ayuu sheegay inuu ka dhacay 5-tii bishaan July 2026, abaare 12:00 duhurnimo tuulada Sabyo oo u dhexeysa degmooyinka Afgooye iyo Basra ee gobolka Shabeellaha Hoose isaga oo ku sugnaa guri cariish ah, ayna ilaalinayeen 5 xubnood oo ka tirsanaa ilaaladiisa.

Sida Sida uu sheegay Wasiirka, Macallin Jinaaw ayaa da’diisu lagu qiyaasay 48 sano ilaa 55 sano jir, kuna dhashay deegaanka Bisaq Cadde oo qiyaastii 40-km dhanka galbeed kaga beegan degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Fiqi ayaa sheegay in xubintan uu ka mid ahaa hoggaanka sare ee Alshabaab, isla markaana uu xubin ka ahaa golaha shuurada ee kooxda oo ah kuwa go’aamada la fuliyo gaara, tan iyo markii la aas aasay. Wuxuu tilmaamay inuu door ku lahaa hoggaaminta qaybo ka mid ah jabhadaha dagaallama, isla markaana uu ka howlgalay gobollada Baay, Bakool, Hiiraan iyo Galgaduud.

“Horjoogahaan wuxuu ahaa qofka 9-aad ee kooxda Khawaarijta Alshabaab, wuxuuna ka tirsanaa golaha shuurada Argagixisada. Da’diisa waxaa lagu qiyaasaa inta u dhexeysa 48 ilaa 55 sano jir, lahaa seddex xaas iyo caruur gaaraysa 20” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Gaashaandhiggu sida uu ku dooday dilka ninkan ayaa yimid, kaddib codsiyo ay ka heleen waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee gobollada Baay iyo Bakool oo dowladda u gudbiyey cabashooyin ku saabsan door uu ku lahaa muddadii uu hoggaaminayay Alshabaabka jooga gobolka sanadihii 2010 ilaa 2011.

Sida uu sheegay Fiqi, Macallin Jinaaw ayaa lagu eedeeyay inuu wax ka beddelay hanaankii dhaqan ee ka jiray deegaannadaas, isla markaana uu hirgeliyay nidaam ay Alshabaab aqoonsanayd oo saameyn ku yeeshay bulshada deegaanka, ahne odoyaal dhaqan oo iyada taageersan.

“Hadaba, iyada oo talooyinkii iyo codsigii odayaasha la fulinayo ayaa taliska sahanka iyo sirdoonka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu ku darsaday Liiska dadka muhiimka ah ee ay tahay in bulshada laga qabto. Muddadaas dheer waa lagu raadjoogay, wuxuuna ku soo gabagaboobay runtii 5-tii bishaan July 2026” ayuu sii raaciyey.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgallada lagu beegsanayo hoggaanka iyo xubnaha Alshabaab ay sii socon doonaan, iyadoo ciidamadu ay sii wadi doonaan dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed