Ku dhawad 40 Alshabaab ah oo dhimasho iyo dhawaac ka soo gaaray duqeyn ka dhacday Hiiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 25 xubnood oo ka tirsan Alshabaab lagu dilay, halka 18 kalena lagu dhaawacay duqeyn cirka ah oo xalay ka dhacday gobolka Hiiraan.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka ayaa weerarka ku bartilmaameedsaday fariisimo ay kooxdu ku lahaayeen deegaanka Suullaay, oo qiyaastii 17-km dhanka koonfureed kaga beegan deegaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay sheegtay in 4 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab ay isku soo dhiibeen Ciidanka, kadib howlgalka, waxaana magacyadooda lagu kala sheegtay Aadan Maxamed Jimcaale (Cabaas), Ibraahin Aadan Daahir, Aadan Abshir Cabdi iyo Nuurow Caawid Cali (Amiir).

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in xubno kale oo ka tirsanaa kooxda ay ka firxadeen goobta iyagoo ka cararay hubkoodii, kadib markii ay la kulmeen waxa ay dowladda ku tilmaantay “jab xooggan”.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalka uu qeyb ka yahay gulufka ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Saaxiibbada Caalamka ku wiiqayaan awoodda Alshabaab, iyadoo xustay in Ciidanka ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxda si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed