Baarlamanka Woqooyi Bari oo ka doodaya xasaanad ka qaadista Fahiima Quuje & xiriirka Somaliland

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood, Baarlamanka maamulka Woqooyi Bari Soomaaliya ayaa maanta leh kulan ay kaga hadlayaan xaaladda siyaasadeed ee maamulka. Ajandaha kulanka waxaa qeyb ka ah mooshinka lagu doonayo in xasaanadda looga qaado Xildhibaan Fahiima Yuusuf Quuje oo sheegtay inay ka tanaasushay ka mid ahaanshiyaha Waqooyi Bari.

Baarlamanka ayaa sidoo kale la filayaa inuu go’aanno ka soo saaro dadka lagu eedeeyo, sida la tilmaamay, inay xiriir la sameeyaan Somaliland, arrintaas oo kamid ah qodobada muhiimka ah ee looga hadlayo fadhiga maanta.

Kulankan ayaa imanaya saacado kadib markii Golaha Wakiillada uu shaaciyay in Xeer Ilaaliyaha Guud ee Waqooyi Bari uu codsaday in xasaanadda laga qaado Xildhibaan Fahiima si loo maxkamadeeyo, iyadoo goluhu haatan ka doodayo tallaabooyinka la xiriira arrintaas iyo xaaladda guud ee siyaasadeed ee Woqooyi Bari.

Galinkii dambe ee shalay oo Jimco ahayd ayaa warbaahinta si weyn waxaa u qabsaday go’aanka ay qaadatay xildhibaannadan oo si weyn looga yaqaanay dhinacyada Somaliland iyo Woqooyi Bari. Waxay ka mid ahayd dadkii kaalinta ku lahaa in xukuumaddii hore ee Somaliland ay isaga baxdo gobolka, taasina ay sababtay in maamul cusub ee Waqooyi Bari halkaas laga yagleelo, aqoonsine ka helo Dowladda Soomaaliya.

HBN ONILNE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed