Wasiirkii Gaashaandhigga Jambuuriyadda Jabuuti Xasan Cumar Maxamed Burhaan, ayaa maanta ku geeriyooday dalka Faransiiska, halkaas oo uu u joogay daaweyn caafimaad, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta dowladda Jabuuti.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa tacsi ka diray geerida wasiirka, isagoo sheegay in Jabuuti ay weysay mid ka mid ah masuuliyiinteedii ugu daacadsanaa uguna kartida badnaa ee u adeegay danta guud ee dalka.
Geelle ayaa gaaray isbitaalka magaalada Paris ee uu yaallay meydka marxuumka, waxaana uu sheegay inuu ahaa marxuumka masuul ku caan baxay ku dhaqanka mabda’a, qiyamka iyo akhlaaqda wanaagsan, isaga oo ku tilmaamay siyaasi khibrad leh, geesi ah, isla markaana mudan in lagu daydo.
Marxuum Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa xilka Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti hayay tan iyo bishii May sanadkii 2019, wuxuuna sii watay xilkaasi kaddib isku shaandhayntii Golaha Wasiirrada ee la sameeyay bishii May 2026.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdilqaadir Maxamed Kaamil, ayaa tacsi u diray qoyska marxuumka, ciidamada qalabka sida iyo guud ahaan shacabka Jabuuti, isagoo ku tilmaamay geeridiisa mid dalka ku leh saameyn culus.
Xasan Cumar Maxamed Burhaan wuxuu ka mid ahaa masuuliyiinta ugu waaweyn dowladda Jabuuti, isagoo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda, oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Tadjourah iyo Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ka hor inta uusan ku biirin Golaha Wasiirrada ku dhowaad toban sano ka hor.
HBN ONLINE TV

