Shirka Ururka Dalalka Afrika, Caribbean-ka & Pacific-ka oo taageeray Soomaaliya

Kadib Shir ay isugu yimaadeen Ururka Dalalka Afrika, Caribbean-ka iyo Pacific-ka (OACPS) ayaa muujiyay taageerada uu u hayo madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taasi oo hadda wajahaysa khilaafaad u culus oo gobolka saameyn ku yeellan kara.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad, ayaa sheegay in OACPS iyo dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya ay dib u xaqiijiyeen garab istaaggooda ku aaddan ilaalinta nidaamka dastuuriga ah iyo xuduudaha caalamku aqoonsan yahay ee Soomaaliya.

Balcad ayaa sheegay in Soomaaliya ay sii wadi doonto ilaalinta madaxbannaanideeda, midnimadeeda iyo wadajirka dhuleed, isagoo xusay in taageerada ay u muujiyeen dalalka xubnaha ka ah OACPS ay xoojinayso dadaallada lagu difaacayo qaranimada dalka.

Wuxuu intaa ku daray in ilaalinta mabaadi’da madaxbannaanida iyo ixtiraamka xuduudaha caalamku aqoonsan yahay aysan muhiim u ahayn Soomaaliya oo keliya, balse ay sidoo kale gacan ka geysanayso xoojinta nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan sharciga, nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalka dunida.

Soomaaliya ayaa wada qorshe culus oo dalalka caalamka ay xulafo kaga raadinayso in garab istaag laga siiyo arrinta aqoonsiga Somaliland ee Israel, kadib markii ay abaabushay tobanaan dal iyo ururo si adag kaga hor yimid in wax faragalin ah oo kala goynaya lagu sameeyo dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa arrinta Somaliland iyo aqoonsiga ay Israa’iil siisay ku tilmaamay mid aan ahayn aqoonsi dhab ah balse ah sida ay sheegtay “dabin” ay ku dhacayso Somaliland. Dowladdu waxay tilmaantay in talaabadaasi aanay waxba ka beddelayn mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliya, isla markaana beesha caalamka inteeda badan ay weli Somaliland u aqoonsan tahay qayb ka mid ah Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed