Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in xukuumaddiisu aysan wax canshuur cusub ku soo rogin ganacsatada isticmaasha dekedda Boosaaso, isagoo caddeeyay in isbeddelka la sameeyay uu ku kooban yahay khidmadaha adeegyada laga qaado maraakiibta isticmaasha dekedda.
Deni ayaa ku dooday in Puntland mudnaan siisay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, sida dekedaha iyo waddooyinka, si loo kobciyo ganacsiga iyo wax-soo-saarka. Wuxuu xusay in ballaarinta dekedda Boosaaso iyo hagaajinta jidadka ay qayb ka yihiin qorshaha lagu xoojinayo dhaqaalaha Puntland.
Madaxweynaha ayaa sheegay in wararka sheegaya in canshuurta dekedda la kordhiyay aysan sax ahayn, isagoo tilmaamay in waxa la beddelay ay yihiin khidmadaha adeegyada laga qaado maraakiibta shisheeye ee badeecadaha keena dekedda, halka canshuuraha rasmiga ah ee Puntland aysan waxba iska beddelin.
“Puntland wax canshuur kordhin ah oo ay sameysay ma leh. Canshuurta kordhinteedu waddooyin ayey soo martaa, miisaaniyadda dalka ayey gashaa, ogolaansho baarlamaan ayey martaa,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Waxa uu intaas ku daray in dib u eegista khidmadaha adeegyada ay muddo dib u dhacday sababo la xiriira duruufaha dhaqaale iyo taageerada ay dowladdu siinaysay ganacsatada.
Deni ayaa sidoo kale beeniyay wararka sheegaya in dekedda Boosaaso ay xiran tahay, isagoo sheegay in howlaha dekeddu ay si caadi ah u socdaan, maraakiibtuna ay kusoo xirtaan dekedda, halka dhoofinta iyo soo dejintuna ay sii socdaan.
“Waxa la kordhiyey oo dadku sheegayaan Canshuur ma aha, waxaa waaye Khidmadaha laga qaado Maraakiibta dalka badeecadaha keenta oo boqolkiiba 95 ama 99 ay leeyihiin dad Ajaaniib ah, waxa Soomaalidu ay leedahay waa dhowr fara ku tiris ah” ayuu sii raaciyey
Madaxweynaha ayaa sheegay in xiritaanka xarumaha ganacsiga ee ay sameeyeen qaar ka mid ah ganacsatada uusan ka dhignayn in dekeddu ay joojisay shaqadeedii.
Ugu dambeyn, Deni wuxuu ugu baaqay ganacsatada iyo bulshada inay ka fogaadaan wararka marin-habaabinta ah, isagoo adkeeyay in dowladdu ay ka go’an tahay horumarinta dekedda Boosaaso, ilaalinta ganacsiga iyo dheellitirka danaha ganacsatada, maalgashadayaasha iyo shacabka.
Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa imanaya xilli ganacsatada waaweyn ee wax kala soo dega dekedda Boosaaso ay wadaan shaqo-joojin ay kaga cabanayaan lacag lagu kordhiyay adeegyada dekedda, taas oo saameyn ku yeelatay ganacsiga magaalada, iyadoo xarumo ganacsi oo badan ay maalmo xiran yihiin.
HBN ONLINE TV

