Maxaa ka soo kordhay xirnaashaha dekadda Boosaaso?

Waxaa weli xal loo la’yahay dib furista dekadda weyn ee magaalada Boosaaso oo caawa galaysa xirnaashiyaheedu muddo laba todobaad oo xariir ah, halka hakad ay ku jiraan maalinkii 4-aad suuqyada, kadib markii canshuuro la sheegay inay xad dhaaf yihiin badeecadaha ka soo dega dekadda.

Maanta, Waxaa la soo wariyey in Wadahadallo u dhexeeyay mas’uuliyiin ka socda maamulka Puntland iyo ganacsatada Boosaaso, si xal looga helo xirnaanshaha Dekedda magaalada ay ku soo dhammaadeen natiijo la’aan. Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa diiradda lagu saaray saameynta dhaqaale ee ka dhalatay xirnaanshaha dekedda oo xiran 15 maalin., iyo sidii loo gaari lahaa heshiis dib loogu furi karo.

Sida xogaha la helayo ay tilmaamayaan, mas’uuliyiinta Puntland ayaa soo bandhigay qorshe ay ku sheegeen inuu qeyb ka yahay tanaasul dhinaca Xukuuamdda ah, iyaga oo soo jeediyey in ganacsatadu aqbasho cashuur kordhin 50% ah, halka ganacsatada tilmaameen in ay diyaar u yihii cashuur kordhin 10% ah. Waxaa la sheegay inay diideen qidmado kale oo shirkadda maamusha Dekadda ka qaado alaabaha la soo dejiyo.

Kala duwanaanshaha aragtiyaha labada dhinac ayaa sababay in kulanka lagu kala tago iyada oo aan la gaarin wax heshiis ah, waxaana weli sii socda ismari-waaga ku saabsan dib u furista Dekedda Boosaaso.

Xirnaanshaha dekedda ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa badeecadaha, iyadoo weli la filayo in labada dhinac ay sii wadaan dadaallada lagu raadinayo xal lagu soo afjaro khilaafka.

Dekedda Boosaaso ayaa ah halbowlaha ganacsiga Puntland iyo mid ka mid ah dekedaha ugu muhiimsan Soomaaliya, waxaana laga digayaa in haddii hakadkan uu sii socdo uu saameyn weyn ku yeesho silsiladaha sahayda, ganacsiga iyo nolosha shacabka ku tiirsan dekedda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed