In ka badan 40 Alshabaab ah oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Hiiraan

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay duqeyn xooggan oo xalay ka dhacday duleedka magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo lagu dilay inka badan 40 xubnood oo ka mid ahaa maleeshiyaadka Alshabaab.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasaaradda, duqeymaha waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah, iyagoo bartilmaameedsaday xubnno la tilmaamay inay dib isugu urursanayeen deegaan lagu magacaabo Goobo oo qiyaastii 10 kiiloomitir waqooyi kaga beegan degmada Maxaas, kaddib markii sida la tilmaamay looga adkaaday dagaal galabnimadii shalay ka dhacay deegaannada Sullaay iyo Waab-weyn.

Wasaaraddu waxay sheegtay in weerarka lagu dilay 42 xubnood oo Alshabaab ah, halka 12 kale lagu dhaawacay. Sidoo kale, waxaa la burburiyay gaari ciidan oo nooca Cabdibile ah, iyo fariisimo iyo difaacyo ay kooxda ka sameysatay deegaanka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgallada socda ay dhabar-jab xooggan gaarsiiyeen Alshabaab, isla markaana ay wiiqeen awooddooda abaabul iyo dhaqdhaqaaq.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa xustay in bilihii la soo dhaafay kooxda ay la kulmeysay khasaare isugu jira dagaalyahanno iyo horjoogayaal lagu dilay howlgallada ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda caalamiga ah, halka ay bogaadisay Ciidanka Xoogga Dalka & kuwo deegaanka ee Macawiisleyda, iyadoo sheegtay in iskaashigooda uu door muhiim ah ka qaatay guulaha laga gaaray howlgalka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu soo gabagabeeyay in Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab ilaa laga ciribtiro sida hadalka loo dhigay khatarta ay ku hayaan shacabka.

Dhanka kale, Ciidamada xoogaga dalka, qeybta 27-aad, ayaa shalay xaqiijiyey inay si buuxda gacanta ugu dhigeenka deegaanka Waabweyn oo ku yaalla waddada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed